Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Kheyre Oo Ku Biiray Xulufada Imaaraadka .. Farmaajo Furka Tuuray

Wednesday - Feb 7, 2018


Xog gaara oo laga helayo goobaha siyaasiyiinta ay ku kulmaan ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka horyimid safar Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu ku aadayo dalka Imaaraadka Carabta.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warka intiisa badan laga soo xigtay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ku gacan seyray safarka uu Kheyre ugu ambabaxayo markii ugu horeysay Imaaraadka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa isna dhiniciisa diidmadaas madaxweynaha ka horyimid, wuxuuna sheegay inuu casuumaad ka helay Imaaraadka oo u aqbalay sidaa darteedna uu u safrayo.

Safarka Ra’iisal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horeeyay ayaa maalmihii la soo dhaafay aad looga hadal haayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xafiisyada Dowladda waxaana la sheegay in ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsan Xafiiskiisa iyo Golaha Wasiirada.

Khayrre ayaa Casuumaad ka helay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dalka Imaaraad Carabta markii ay ku kulmayn Shirkii ka dhacay Dalka Magaalada Davos ee dalka Switzerland waxa uuna aqbalay casuumadii loo sameeyay.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in uu jiro Guux siyaasadeed oo arintaan ka dhashay waxayna ku soo beegmaysaa xili uu wali taagan yahay xiisadii Wadamada Khaliijka.
Soomaaliya oo go’aan dhax dhaxaad ah ka qaadatay Arimaha khaliijka ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jahwareersaneed kala jiidasho ay wadaan Dhinaca Siyaasadda ee Khaliijka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa labo goor oo hore u booqday Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay Madaxda iyo amiirada dalkaas maamula, waxayna ka wada hadlayn Arimo khuseeya Soomaaliya iyo Khaliijka Carabta .