Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Xal Lala Yaabay .. Madaxweyne Trump Oo Soo Jeediyey In Macalimiinta La Hubeeyo Say U Daafcaan Ardada

Thursday - Feb 22, 2018


Xili shacabka Maraykanka gaar ahaan ardayda iskuulada bilaabeen olole ay uga soo horjeedaan hubka faraha ka baxay ee shacabka laga iibiyo ayuu Madaxweynaha Maraykanka soo jeediyey xal ay la yaabeen shacabka, isagoo sheegay in xalka uu noqon karo in macalimiinta iskuulada la hubeeyo si ay u difaacaan ardayda taasi oo ka dhigan in lasii kordhiyo huba ku jira gacanta shacabka.

Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay koox isugu jira arday, waalidiin iyo shaqsiyaad kale oo ay saameysay weeraradii ka dhacay iskuulada dalkaasi, kulankan ayaa dadka lagu casumay ay ahaayeen koox si gaar ah Madaxtooyada u soo xushay.

Qodobka ugu muhiimsan ee looga hadlayey kulankan ayaa ahaa sidii loo xakameyn lahaa hubka badan ee shacabka gacantiisa ku jira iyo weerarada sanad walba ka dhaca iskuulada dalkaasi oo arday badan lagu dilay.

Xiisada hubka ayaa dib u bilaabatay kadib weerarkii Arbacadii hore ka dhacay dugsi sare oo ku yaal gobalka Florida, halkaasi oo uu mid kamid ah ardayda ku dilay 14 arday iyo 3 qof oo kale.

Ardayda iskuulka xasuuqa ka dhacay ayaa bilaabay olole balaaran oo looga soo horjeedo hubka iyagoo ku baaqay in la xakameeyo iibka hubka isla markaana sare loo qaado da’ada uu qofka ku iibsan karo hubka fudud, sidoo kalena baaritaan lagu sameeyo qofka doonaya hubka inuu gato si loo baaro xaaladiisa.

Trump ayaa horey u sheegay inuu taageersan yahay in wax laga bedalo sharuucda iibka hubka ee dalkaasi, balse hadaladiisan ugu danbeeyey ayaa markale muujinaya sida uu isu khilaafayo warka kasoo baxa Madaxweynaha Maraykanka.

Bartamaha bisha soo socota ee Maarso ayey ardayda iskuulada Maraykanka sheegeen inay qaban doonaan banaanbax balaaran oo dalka oo dhan ah, isla markaana iskuulada ka bixi doonaan aysana ku noqon doonin fasalada illaa inta Baarlamaanka ka ansixinayo shuruuc xakameysa hubka.