Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

R/W Kheyre Oo Xildhibaanada U Arbaca-Arbaceeyey Indhahooda Oo Shana .. Musharax Ay Wadato Dawlada Oo Ugu Cad Cad Doorashada Gudoomiyaha G. Shacabka

Saturday - April 28, 2018


Waxaa lagu wadaa in maalinta isniinta oo ku began 30-ka bishan April magaalada Muqdisho lagu doorto Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana kursigan isku soo sharaxay 11-Musharax oo damac badan uga jiro mid kastaahi in uu guuleesto.

Musharaxiinta qaar ayaa heesta kalsoonida qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada cod-kooda lagu kala baxayo, halka Musharaxiinta qaarna isku soo sharaxeen in diiwaanka taariikhda loogu daro in ay isku soo sharaxeen xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka.

Xog uruurin iyo qiimeyn badan aan sameynay ayaan ku ogaanay Musharaxa ugu horeeya doorashada ee loo saadaalinayo in uu ku guuleesan karo kursigan, waxa uuna Musharaxan heestaa Xildhibaano badan oo aad u taageersan.

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hada noqday Musharaxa ugu cad cad doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana Musharaxan saacadihii ugu dambeeyay ololihiisa si weyn looga dareemay Muqdisho.

Musharax Mursal ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxa uuna ku qanciyay in codkooda siiyaan si uu isbadal muuqda ugu sameeyo Hogaaminta golaha Shacabka .

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaan Maxamed Mursal oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa hada heesta Kalsoonida inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ,

Guriga Musharaxa ayaa si weyn looga dareemayaa ololaha Doorashada , waxaana gurigaas saacad kasta tagaya Xildhibaano badan oo taageersan Siyaasada Musharax Maxamed Mursal.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa intii dalka uu ka hayay xilalka kala duwan lasoo baxay waxqabad muuqda uu ku kasbaday taageerada shacabka iyo Madaxda dalka Hogaamkisa .. Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa rumeesan in Musharax Mursal u badan tahay in kursigan kusoo baxo,