Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Madaxweyne Gaas Oo Sheegay Inu Safarkiisi Imaaraadka Guul Kala Soo Laabtay

Monday - April 30, 2018


Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa Si hoose loo ogaaday inu maalmo kala duwan la kulmay masuullinta ugu sareysa reer Abudabi ayaa la sheegay inu maanta dib ugu soo laabtay dalka gaar ahaan magaalada Boosaaso.
Madaxweyne Gaas oo Safarkiisa u ku tagau imaaraadka tuhun badan dhaliyey, ayaa marku soo dagay saxaafada u sheegay in safarkaas uu ahaa mid guul wanaagsan laga gaaray, wuxuu kalo carbaabay in dhinacyada ay is arkeen oo dhan laga wada hadlay arrimaha ku saabsan mashaariicda horumarineed oo ay xooga saareen sidii meelmar looga dhigi lahaa iskaashiga labada dhinac.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha dowladda Puntland ayaa amaaanay dadaalada dawladda Imaaraatka Carabta ay ka wado gudaha Soomaaliya, gaar ahaana Puntland, wuxuuna sheegay in aysan Puntland marnaba ka maarmin dhankooda.

Warka wuxuu sheegaya in madaxweyne Gaas uu maalin kadib safar ku tegi doono magaalada Garoowe oo uu arrimo badan kaga hadli doono, xilli ay weli taagan tahay xiisadda deegaanka Tukaraq.