Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Trump Ha Goodiyo Gocoraduna Ha Doobiyeen .. iLhaan Cumar Iyo Hodan Xasan Oo U Socda Aqalka Congresska Mareykanka

Wednesday - August 15, 2018


ILaa Saddex xubnood oo Soomaali Mareykan ah ayaa ku guuleystay doorashada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iyadoo labo ka mid ah xubnaha guuleystay ay ahaayeen haween.

Ilhaan Cumar oo u tartameysa Kursiga Musharaxnimada Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorashadii is reeb reebka aheyd ee loogu soo baxayay Tartanka kursigaas.

ILhaan Cumar oo ah Musharax Xisbiga Dimoqraadiga ayaa heshay codod dhan 59,322, taasoo u dhigan 48.1%, sida ay qorayaan Warbaahinta Mareykanka.

Doorashada Guud ee Kursiga Congresska Mareykanka ayaa la qaban doonaa bisha November, waxaana ILhaan Cumar ay qarka u saaran tahay inay noqotay qofkii u horeeyay Somali Mareykan ah oo ku ku guuleysata kursiga Congresska, kaasoo uu banneeyay Kieth Ellison.

Dhinaca kale Hodan Xasan ayaa ku guulesyatay Kursiga golaha Congresska ee Gobolka Minnesota.

Sidoo kale Maxamuud Nuur ayaa isna ku guuleystay kursiga Aqalka Baarlamaanka Gobolka Minnesota, oo ahaa booskii ay baneysay ILhaan oo horay kursigan ugu guuleysatay sanadkii 2016.

Doorashada is reeb reebka ay ku guuleysteen xubnahan Soomaali Mareykanka ah oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa waxay bisha November ee soo socota la tartami doonaan Musharaxiin ka socda Xisbiga Jamhuuriga.