Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ciyaari Hada Uun Bay Bilow Tahay .. Gorgorki Butin Ee Gacmaha Ku Laafyoon Jiray Oo Wacad Ku Maray Inu Dib U Guumeysan-doono Yurub..Mareykan Iyo Kanada Sawaariikh Dubbeysa La Dhaci-doono

Monday - Feb 4, 2019


Loolanka miisaanka Butin iyo Trump ee ku Aadanaa hogaaminta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Dunidu oo ah labada qofkii gacanta ku dhigaa u yahay kan loo daba fariisanayo dunida inteeda kale .. horay Burburkii Dhaqaale iyo Milatari ee ku yimid Ruushka ee sabab u ahaa Khamri-cabki doorsamay Boris Yelsin ka dib, ayaa Reer Galbeedka iyo Maraykanku waxa ay heshiisyo toos sandule ah oo Hub iyo gantaalo dhimis ah la galeen Ruushki oo awoodisi Dukhsi ka dhigeen iyo qodobo loo yeersho .. oo halkaas Maroodigi Ruushka Lixaadka lagu ogaa Laan jabin-waayey, taas awgeed waxay baahi badan u qabatay iney Ganacsi la samaystaan dunida kale iyagoo si gaara ugu faruur xiran Mareykan iyo Reer Galbeed, waxaa halkaa ku soo gaba-gaboobay xuriyadi iyo awoodi Ruushka iyo wax ka hogaaminti siyaasada dunida

Laakiin Sanadkii 1999-kii oo uu Vladamir Putin si toos ah ula wareegay hogaaminta ugu saraysa ee Ruushka, wuxuuna isla markiiba bilaabay Aamin-sanaanta in sadka Ruushka ee caalamka aanu wax gorgortan ah ka gelin. Taasina waa ta sababtay duulaanki iyo qabsashadii Gacanka Crimea ee Ukraine 

Butin oo dhiigisa kacay ayaa si toos ah u badalay Siyaasadiisi dunidu isla markaana ku guuleystay inu inta badan dawladaha qaarkood si isbahaysi ah la wareego jiheynta siyaasada caalamka, isagoo markiiba bilaabay inu dhinaca difaaca ka gaaro heerki ugu sareeyey .. Ruushka maanta taariikhda dhigay wuxuu haysta 8000 oo hubka Nukliyeerka, halka Mareykanku u haysto 4800.
  

Mareykan oo doc isku qaadkiisa badatay iyo wax-yaabaha u ku kaco aan laaiq ahayen ayaa Butin ku Qanci waayey, isla markaana u cuntami waayey, sidaa darteed wuxuu habeen iyo dharaar halgan u galay inaanu wax gor-gortan ah ka gelin horumarka siyaasada Ruushka ee caalamka ku wajahan, gaar ahaan waxay arinta luqun taaga Butin cirka isku shareertay kadib marku si toos gacanta ula galay Siiriya isla markaana ciidamo Mug weyn geeyey maadaama haddii tani ay ka baxdo gacantiisa uu si toos ah go’doon uga galayo dunida kale markay dhinaca Siyaasadda iyo milatariba noqoto.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalada Suuriya iyo talaabooyinka digtoon ee Putin oo raba inuu sadkiisa dunida wax gor-gortan ah aanu gelin iyo sido kale Isbedelada siyaasiga ah ee dunida 100kii sanno-ba hal mar dhaca ee xeerarka Siyaasadda caalamiga ahi caadada u leedahay waa muhim Indho ku haynta sanadka 2019-ka oo ah Sanad muhiim u noqonayaa Siyaasadda Dunida iyo wax-yaabaha is bedeli doona waa kuwo mudan in si weyn isha loogu hayo maalmaha, bilaha iyo sanadaha soo socda intaba .. Ciyaari hada uun bay bilow tahay.