Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Trump Hell Hour .. Jeneraaladi Soocanka Ahaa Ee Dalka Venezula Goob Walba Heegan La Daadsan : Haa- Haa We Are The Mighty .. Viva Venezula .. Kaalay Naga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca

Tuesday - Feb 19, 2019



Madaxweyne Trump oo maalinti Isninta ahayd isagoo isu mashxaradaaya ayuu ciidamada Venezwela ku gubaabiyey iney ka gadoodaan horseedka Nicolas Maduro ee khaldamay, balse ay daba-raqleyaan mucaaradka isagu isu-magacaabay madaxweyne mudane Juan Guaido, hadi kale ayuu yiri waxaad la kulmi-doontaan amardiido aad wax kasta ku lumisaan, hasa ahaate sarakiishi sarsare ee ciidamada Venezuela ayaa hadalkaa Madaxweyne Trump u aragtay Edebdaro qaawan aan geedna loogu soo gaban oo meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada ciidamada dalkaa .. waxayna sheegeen Trump inu sidi Habar dhali-weyday Aleelaysanaayo .. Ma nihin ayey yiraahdeen kuwa loo liqimo oo marki Qanjir loo tuuro dalkooda ku gadooda, balse waxaan Tuutaha u sidana oo aad la kulmi-doonta Qoomamo iyo ciil, Madaafiic hig leh iyo Hawsaro lagugu boobo iyo Miinooyin qarsoon ee markay Qarxaan askarta mareykanka lafahooda isku takhraara .. We Are Mighty .. We Are Mighty .. Viva Venezuela.

Dhinaca kale madaxweyne Maduro ayaa dhiniciisa faafaahin ka bixiyey gardarada madaxweyne Trump oo ku doonaayo inu inqilaabo dawlada Venezuela oo keensado doqon Daba-dhilf Laba Ey kala saari-karin oo ujeedadu tahay iney danahooda ugu adeegtaan .. Madaxweyne Maduuro ayaa warkiisa inta si raaciyey oo yiri: madaxda Yurub ee sida fikir la'aanta u dab raqleynaya siyaasada Trump waad ku jabaysaan faragalinta dalkeeyga, waxaana diyaar ah ayuu yiri Laba Malyan maleshyaad ku abtirsada Simon Bolivar keeb la yuurara oo ku dhaarsan iney difacaan dalkooda

Madaxweyne Maduro ayaa sido kale sheegay in ciiro isku qarinta iyo khiyaali huf iyo been la xariirta in shacabka u gaajo la daala-dhacayo ay tahay borobogaando lagu sababeynaayo in dalka lagu soo duulo .. wuxuu sheegay in dalka Venezula u yahay Taajir oo u haysta Balaayiin lacag oo ku awoodo inu ummadiisa ku quudiyo, laakiin caqli yarida Trump ayaa Maaliyadi dalka oo Balaayiin dolar ah waxay ku xayirantahay Bangyada Ameerika,oo halkaas ayey naga cuna-qabateeyeen .. Anagu ma nihin ummad tuugsata oo aduunyada dawarsata ee albaabadi dhaqaalaha ayey naga xireen, hadey run sheegayaan ha na siyaan lacgtayada aan leenahay