Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Dawlada Somaliya Oo Aan Kala Garaneyn Waxay Dooneyso Iyo Waxay Diideyso .. Safiirka Somaliya Ee Geneva Oo Loo Yeeray Kadib Markay Qaadatay Go'aan Aysan Dawlada La Ogeyn

Saturday - March 23, 2019



Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muddo todobaad ku amartay inay dalka ku soo gasho Faadumo C/llaahi Maxamuud Insanaiya oo ah Safiirka Soomaaliya ee Geneva iyo Xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqul Insaanka ee magaalada Geneva.

Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray, waxayna wararku sheegayaan inay arrintan ka danbeysay kadib markii ay gashay khalad taariikh ah oo ceeb ku ah diblomaasiyadda Soomaaliya.

Safiirka oo la sheegay iney marar badan la soo xariirtay dawlada dhexe gaar ahaan wasaarada arimaha dibada iyo kheyre, hasa yeeshe wax jawaab waafiya siiya weyday oo qaarkood diideen ineyba arintaa amar ka bixiyaan, ayey ugu dambeyn go'aankeedi noqday iney ka aamusto qaraar lagu cambaareeyey hay-sashada Israel ee dhulka Golan Heights ee Suuriya, kaasi oo ay ku qabsatay Dagaalkii Lixda Maalmood ee sanaddii 1967-kii, iyadoo go’aankaasi ay taageereen dalalka Reer Yurub.

Waxaa hadda soo baxday warar sheegaya in go’aankaas uu ku gaar ahaa safiiradda oo aysan dowladda la ogeyn .. Codeynta qaraarka ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Golan Heights uu u aqoonsanayo dhul Israel. Israel ayaa dhulka ku darsatay dhulalka badan ee ay ka haysato Bariga Dhexe sanadii 1981-kii

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid noqotay shan dal oo ka aamusay, kuwaas oo kala ah; Cameroon, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Fiji, Rwanda iyo Somalia.

Dad badan ayaa filayey in maadaama Soomaaliya ay tahay dal Islaam ah ay taageerto qaraarka, hase yeeshee si la mid ah dalalka Carbeed ee sanadihii dhowaa ka haray qadiyadda Falastiin iyo Bariga, Soomaaliya ayaa u muuqata inay wadaddaas martay.