Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Xaqi Baa Banaanka Yimi Ee Daali-miinta Maxay Sheegin .. Macallinki Xishoodka Badnaa Ee Madaxweynaha Noqday

Monday - October 21, 2019




Madaxweynaha cusub ee Tunisia Qeys Saciid waa barafasoor sharciga bartay oo 61 jir ah, waana madaxweynihi ugu horreyey oo xilka madaxweyna-nimada ku guuleysta tani iyo markii uu geeriyooday madaxweynihi hore ee dalkaasi Beyji Caa’id Eseybsi 25-kii bishi July.

Shacabka reer Tunisiya ayaa u dabaal-degaya guusha Qays Saciid .. Madaxweyne Saciid xoogag shisheeya ama gacan dibadeed taageero kama haysan, isaga oo sheegay xitaa inuu baasboor uu dalka kaga baxa haysan.

Tunisia ayaa la daalaa dhacayso shaqa la'aanta baahsan, waxaase u diyaar u ah qorshe ballaaran uu hay’adaha kala duwan isbeddel uu ugu sameyn karo, isaga oo sheegay inuu awoodda dadka uu hoos u dhaadhicyo isla-markaana uu doonayo isbeddel ballaaran inuu ku sameeyo dalka Tunisia.

Mr Qeys oo ah madaxweyne madax bannaan oo aan ku tiirsaneen xisbi siyaasadeed wuxuu doorashada ka helay 72.71, cod bixinta doorashada wareeggeeda labaad ee la qabtay 13-ki bisha Oktobar.

Wuxuuna si la yaab leh uu uga guuleystay musharrixii la tartamayay Nabiil Qarwiy oo ah hoggaamiyaha xisbiga weyn ee baarlamaanka Tunisia ku leh tirada kuraasta xildhibaannada ugu badan.

Taariiqdu markay ahayd 22-kii bishi Fabraayo 1958-kii ayuu Mr Saciid ku dhashay magaalada Bani-khiyaar oo ka tirsan gobolka Nabuul. Wuxuuna Mr Saciid leeyahay seddex carruur ah.

Shahaadada Degree koobaad wuxuu ku haystaa sharciga caalamiga ah wuxuuna ka soo baxay kulliyadda sharciga iyo siyaasadda ee jaamacadda Tunis.

Shahaadada Diploma wuxuu sida oo kale uu ka haystaa sharciga dastuurka, isaga jaamacadda Tunis ka ahaa barafasoor dhiga culuunta sharciga.

Wuxuuna noqday xoghayaha guud ee ururka sharciyada dastuurka ee Tunisa inti u dhaxeysay 1990 ilaa 1995-kii, waxyar kaddibna wuxuu noqday madaxweyne-ku xigeenka ururka.

1990-yadi Mr Saciid wuxuu noqday agaasimaha waaxda cilmiga sharciyada ee jaamacadda Tunisia, isaga oo ka mid noqday khubaro jaamacadda carabta uga shaqeysa machadka xuquuqda aadanaha ee jaamacadda carabta.

Mr Siciid ayaa ka mid ahaa guddiga khubarrada arrimaha sharciga ka caawinayey baarlamaanka Tunisia wax ka beddelka dastuurka, sanadkii 2014. Wuxuu mararka qaar ka soo muuqan jiray telefishinnada isagoo siyaasadda ka hadli jiray.

Marki ugu horreysayna wuxuu TV uu ka kala hadlay shacabka dalkaasi isaga oo ku hadlayey hadal caadi ah oo la xiriira dastuurka dalkaasi, wixi markaa ka dambeeyeyna ma ahayn mid siyaasadda ka soo muuqda.