Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Duqsi Caano Ku Dabaal Bartay Fuud Kulul Buu Aakhirka Ku Gubtaaye .. Farmajo Iyo Fahad Yaasin Oo Booli-Xoofteyn Ugu Jira Sidey U Tarxili-lahaayeen Safiirka iimaaraadka Ee Somaliya

Wednesday - January 1, 2020




War loo qaateena oo la soo tabiyey ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee hay'ada Nabadsugida uu maalmahaan si afduub ah ugu hawlan-yahay sidi safiirka iimaaradka looga cayrin-lahaa dalka, kaaso oo u ku tilmaamay inu hindisaayo masiibooyin iyo miinooyinka gumaadka ah oo guul daro iyo hoog u soo dhiibo argagixiso si lagu xasuuqayo shacabka somali, isla markaana dhabar jab ku haya dawlada isagoo nin la kireysto iyo laaluushka bulshada dhexdeeda hab u xalaaleystay

fikirkaana gorfeyn ka dib waxaa la qaatay Madaxweyne Farmaajo oo isagu inta badan xushmo iyo soo dhaweym gaara u haya Fahad, hasa ahaate wasiirka arimaha dibada mudane Cawad ayaa sutida u qabtay, kaas oo Arimaha Diblomaasiyada wadatashi kala sameeya Farmaajo oo khadka soo galay ayaa ku taliyey in arinta salka loo dhigo oo shuqeynta hadalka la yareeyo, dabadeedna Maxamed Farmaajo oo dhan u raaco garan-waayey fikirka labada dhinac ayaa ku taliyey in xaajada dib loo dhigo, isla markaana loo dad badsado.

Safiirka iimaaraadka oo dhawaanta mogdisho ku soo laabtay ayaa waxaa la sheegaya in Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya ay illa hadda ka fekereyso inu dalka dhinac u dhaafo .. Cawad ayaa dhawaan la shiray Safiir Xamaada ee iimaaraadka.