Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ninka Dumarka Gurigooda Ka Soo Saaray Baa Gardaran .. Haweyney Salaad Jimcaha Paris Ku Tujisay Jameeco Rag Iyo Dumar Ka Kooban

Wednesday - Feb 26, 2020


Kaahina Bahluul oo ah gabar aqoonyahan ayaa markii ugu horreysay salaadda jimacaha tujisay dad isugu jiro dumar iyo rag oo ku sugnaa goob ku taalla caasimadda Faransiiska ee Paris.

Kaahina oo heysta dhalashada Faransiiska, aabaheed wuxuu ka soo jeeda dalka Aljeeriya, waxay caan ka noqotay baraha bulshada markii ay bilowday olole gudaha Faransiiska looga dhisayo masaajid lagu magacaabo Faadimah.

Koox ay hogaamineyso gabadhan ayaa waxay wadaan barnaamijyo lacag lagu uruurinayo dhistaanka masaajid ay ku wada tukan karaan ragga iyo dumarka, waxaana sidoo kale masaajidka ku tukan karaa dumarka xijaaban iyo kuwo aan xijaabneyn.

Kaahin Bahluul waxay BBC-da laanta Carabiga u sheegtay “Waxay ila tahay in haweeney ay imaam ka noqoto masaajid ay u ogolaaneyso dhalinyarada muslimiinta in fikir wanaagsan ay ka qaataan diinta Islaamka, da’yarta maanta waxay masaajiddada ku arkaan oo kaliya ah Ragga iyo odeyaasha marka diinta Islaamka waxay u arkaan mid dambeyso oo qaddiimi ah oo aan la jaanqaadeyn casrigan”

Kaahina ma aysan sugin dhameystirka mashruuca ay ku dhisayaan masaajidka balse waxay Jimcihii la soo dhaafay ay Qol ka kireysteen gudaha magaalada Paris halkaas oo ay salaadda kaga bixisay Rag iyo Dumar ku sugnaa goobta.