Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Ninba Waa Mare Gacmo Furan Iyo Gogol Idin Taal.. Fagaxi Qaxootigi Giriiga Ee Dagaalki Labaad U Cararay Suuriya Oo La Soo Dhaweeyey Iyo Abaal La'aanta Maanta Dhacday

Thursday - March 5, 2020



Iyadoo kumanaan qaxooti Suuriyiin u badan laga hortaagan yahay inay galaan dalka Giriigga si ay uga sii gudbaan qeybaha kale ee Yurub, ayaa waxaa jirta in hadda ka hor shacab Giriigga u dhashay oo ka barakacy dagaalkii Labaad ee dunida si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Suuriya.

Intii uu socday dagaalkii Labaad ee adduunka, ciidamadii Jarmalka iyo Talyaaniga ayaa qabsaday dalka Giriigga, waxaana waddankaasi ka barakacay Tobanaan kun oo qof oo qaarkood ay qaxooti ku noqdeen dalal ay ka mid tahay Suuriya .. Qaar kamid ah qaxootiga ka barakacay ciidamadii Naziga ayaa gaaray dalka Suuriya. Dadkaasi ayaa intooda badan ka cararay Jasiiradda Chios ee u dhaw xeebaha Turkiga.

" Ciidamada Jarmalka ayaa jasiiradda qabsaday, gaajo xun ayaana dhacday. Qoyskeennu waxa uu ka koobnaa saddex qof,” ayay xusuusataa Marianthi Andreadi oo intaa ku dartay "Waxaan si sharci darro ah ku galnay Turkiga, kadibna Tareen ayaan u raacnay xerada qaxootiga ee Al-Nayrab oo ku tiillay Xaleb Suuriya ah."

Tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday Suuriya horraantii 2011, malaayiin qof oo dalkaasi u dhashay ayaa magangelyo u doontay qaaradda Yurub, marin-kooda ugu weynna waxa uu ahaa Giriigga.

Dabayaaqadii Febraayo ayay ahayd markii uu Turkiga dabciyay xayiraadda uu ku hayay qaxootiga Suuriyiinta u badan ee doonaya inay ka tallaabaan xuduudda Giriigga .. Turkiga ayaa ka caraysan in Midowga Yurub uu ka taageeri waayay dagaalka uu ka wada gobolka Idlib ee ka dhanka ah ciidamada Bashar Al-Asad.

Tan iyo xilligaasi, kumannaan qaxooti Suuriyiin u badan ayaa ku xaniban xuduudda Giriigga, iyagoo loo diiddan yahay inay u gudbaan dalalka kale ee Yurub.