Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Akhristayaasha Galdogob Times .. Bisha Ramadaan Awgiis Halkaan Kala Socda Maalin Kasta Iyo Akhbaarti Zamanki Hore Oo Taxana Ah .. Wixii Ugu Horeeyey Ee Alle Subxaane Abuuray

Thursday - April 23, 2020

Sida laga wariyey Ibn Cabaas oo isna ka soo wariyey Nabi Maxamed CSW Arinta ku saabsan wixii ugu horeeyey ee Alla abuuray waxaa u ku sheegay inu ahaa "Qalin" Nuur ka sameysan dheerar-kiisana yahay 500 Sano .. Qalinka waxaa ku xigay abuurista "Loox Maxfuud" ballarkiisu isu jiro inta cirka iyo dhulka isu jiraan, labadaas ayaa marka hore la abuuray intaan Cirka iyo Dhulka la Taagin.

Kadib Alle ayaa Qalinki Amray oo yiri Qor .. Qalinki ayaa yiri Maxaan Qora .. Waxaa lagu yiri Qor Cilmigeyga khalqiga illa maalinta Qiyaamo .. Qalinki ayaa ku dhaqaajiyey oo qoray wax-kasta noola ah illa maalnta Qiyaamaha ..  Cilmiga Allaha Sareeya wuxuu Loox Maxfuudka Eega maalinti 360 jeer, oo Eegistaas wax ku Abuura, wax ku Risaaqa, waxna ku Dila oo wax ku Nooleeya wuxuu doonana sameya wuxuu rabana Xukuma.

Ibn Cabaas ayaa la weydiyey oo lagu yiri Maxay Biyuhu ahaayeen? wuxuu yiri: Waxaa marki hore is kor saarnaa Dabeyl iyo Biyo kadibna marki Alle doonay inu wax Abuuro waxuu isku saladay Dabeyl ma dhaleys ah iyo Biyihi korkeeda saarnaa, dabadeed waxaa halkaas ka dhashay Hirar biyo ah, Xumbo iyo Qiiq ..  dabadeed Qiiqi ayaa kor isku shareeray waxaana halkaas ka abuurmay Todoba Samo iyo Xumbadi oo ka abuurantay Todoba Dhul oo waqtigaas cirka iyo dhulka wey isku dhaganaayeen, kadibna Eebe ayaa kala kaxeeyey oo mid walba si qaaba iyo nidaan gaara gaarkiis u istaagay, iyado mid kasta ku socdo wareeg iyo xaawaare gaara, waxaana labadooda waa samade iyo dhulke loo dhexeeysiiyey Hawo .. kadib dhulki ayaa la amray inu gilgisho waxaana soo baxay Buuro dhulka ka taagmay.

Ibn Cabaas ayaa markale laga wariyey oo yiri: Maalin maalmaha ka mida ayaa Odayaal Yuhuud ah ay u yimaadeen Nabi Maxamed SCW kadib waxay weydiiyeen su'aal la xariirta sidu u Bilawmay abuurista Khalqiga, markkaas ayaa Nabigi CSW sidaan ugu kala dhig dhigay: Dhulka waxaa la taagay Maalin Axad .. Isniin waxaa la abuuray Buuraha iyo Manaaficda ku duugan .. Maalin Talaado waxaa la abuuray Biyaha, Geedaha iyo Magaalooyinka .. Maalin Arbaco waxaa la dhisay Camiraada dhismayaasha .. Maalin Khamiis waxaa iyana la abuuray Samada, Kawaakibta, Xidigaha iyo Malaaiigta .. Maalin Jimco waxaa la abuuray Jano Iyo Naar iyo Nabi Aadam Caleyhi Salaam .. Yuhuudi ayaa Tiri oo Maxamadow maxaa intaa xigay .. Nabigi ayaa ugu jawaabay oo yiri: Kadib Alle Carshiguusu ku Ekaaday .. Yuhuudi waxay dhaheen Maxamadow waad asiibtay, laakiin wey fiicnaan lahayed haddi aad oran lahayed kadib waa Nastay .. Nabi Maxamed CSW ayaa warkoodaas si aada uga carooday, markaas Eebe Subxaana ku soo dajiyey aayadaan: Waxaan Cirka iyo dhulka iyo dhexdooda wixii ah ku sameynay Lix maalmood wax Daalna ah nama taaban ee ka samir yeelo waxa ay sheegayaan. 

Nabigeeni CSW ayaa laga wariyey in Todobada Samo mid kasta mida kale ay u dhaxeyso masaafo dhan 500 kun sano .. halka Samada Todobaad iyo Carshiga waxaa u dhaxeya socdaal Kun Sano .. Nabiga CSW ayaa Malak Jibriil ku yiri: Marna ma aragtay Rabigaa .. Markaasu Jibril yiri: aniga iyo Rabigey waxaa noo dhaxeeya 70 kun  Xijaab Nuur ah, oo hadaan mid ka mida u dhawaado la ii shiilaayo.

Fiiro Gaara:  kala soco halkaan maalinkasta oo bishaan Ramadaan ah haddi alle idmo Akhbaarti Zamaanka oo Taxana ah oo si koob-kooban aan idin ku soo gudbin-doono.