Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Afarti Taayer Ee Farmaajo Oo Cidla Ku Ban-jartay .. Farmaajo Oo Sadex Madaxweyne Maamul Goboleed Ku Gacan- Seyrtay

Monday - August 3, 2020





Waxaa La Yiri Ninba Tacabki Tolay Ku Maal .. Sadexda Madaxweyne ee Maamul Goboledyada Sida Kan Kunfur Galbeed Mudane Lafat-Gareen, Kan Hir-shabeelle Mudane Waare Iyo Galmudug Mudane Qoorqoor oo habeen hore casho loogu sameeyey Villa Somaliya, halkaaso Madaxweyne Maxamed Farmaajo isagoo hadalka gaga-binaaya oo ileyn Tuug-Tuug buu ku xil-qarsadaaye si Tolay iyo oohin Yaxaas ah dacwad uga soo bandhigay Sadexdaas madaxweyne iney abaalki uu u galay ay maanta u gudaan oo axdi ka-baxa la joojiyo, isla markaana u soo jeediyey iney taageeraan oo gacan ku siiyaan barnaamijiska doorashada Qof iyo Cod ee u damaca ka hayo, Hasa ahaate sida aan xogta dhabta ah ku helay codsigaas si toosa oo qayaxan ayey uga hor-yimaadeen

Sida warka lagu helay Madaxwynaha Lefta-Gareen u hadalka bilaabay ayaa sharxaad dheer ka bixiyey sida doorosho Qof iyo Cod waqtigaan u shaqeyn-karto, oo yiri: Madaxweyne Talada dalka inaad ku soo laabtana waad Rabta hab-keedina ma haysid oo Ceyrin iyo Biseyl wixii ka dhaxeya waa yac-yacood lama cuno, Teeda kale xaalada kacdoon ee ka abuurantay bulshada Somali gudo iyo dibadba ma aha mid waxaad higsaneyso ku caawineysa .. Bulshadu wax waa maqlan wixii la dadayna waa arkaan iyo waxa biyaha hoostooda laga wado.

Mudane Lafta-Gareen oo hadalkiisi si wata ayaa goobta kaga sharqamiyey oo yiri: Madaxweyne Anagu ka maamul ahaan habka aad wadato kuguma caawini-karno mar haddi doorashada Qof iyo Cod noqoto hadde anaga sharci ahaan awoodayada meesha wey ka baxeysa oo xita adiga laftaada madaxweyne ma hubtida xildhibaanka qabiilku qof iyo cod ku soo doorto in adiga ay cod ku siinayaan.

Madaxweyne Lafta-Gareen oo hadalka intiisa badn meesha ku qaatay ayaa intaaa si raaciyey oo yiri: Madaxweyne anagu waxaan kugu caawini-karnay adigo naga codsada inaan ku soo xulno xildhibaano adiga xaga codka ku xagliya oo markaas anaga waxaan isticmaali-lahayen illa xad awoodayada, laakiin qaabka aad ku socoto waa mid dur-duro ah oo cid laga gadi-karo aysan jirin, wax lagu dheefaayo aysan jirin

Labadi Madaweyne oo kale oo iyagana marki dambe hadalki qaatay ayaa si buuxda u taageeray hadalki Madaxweyne Lefta-Gareen oo ay hadal-koodi ku soo gaabiyeen: Talo xumo taageero ma leh .

Ugu dambeyne, Maxamed Farmaajo oo ah nimey hawo fogeysay, isla markaana aan maskaxdiisa hindise cusub ka raadin ayaa markaas wajigiisi u muuqday sidi qof Miyir-kiisa joogin oo inta ka hor kacay wixii meesha fadhiyey isagoo Ragi ku maca-salaameyey hadal Gunuunuc ku jiro ka tarjumaaya oo u ku leeyahay:  Waxa la sheegaayo dhag u dhigi-maayo ee teyda baan ku soconaya oo ha la yiraahdo wixii la doono .. Waan idin ku khaldamay oo waxaa tihiin ma Naxaan aan wax ka dhignay oo Arlada Maalaya, Ee Qorshahayga inti karaan-keyga waa socod-siinaya.

Mid ka mida madaxweynayaashi fadhiga ka soo kacay ayaa laga sheegay inu ku hadaaqay oo yiri: Siyaad Bare Inta Ay Ardadiisi Joogto Muu Dhiman Oo Ogow Weli Aragtidisi Dikteetar-nimadiisi Baa Shaqeyneysa