Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Xaajo Niman Ogeyn Baa Indhaha Ka Rida .. Farmaajo Qob Moosa Ayaa Loo Dhigay Oo Godki Lala Rabay Haddu Ku Dhacay

Monday - August 10, 2020


Sida la wada ogyahay, Mudo ayaa waxa la liicin-waayey, labadan nin Madaxweyne Farmaajo iyo Riisal Wasaare Kheeyre, oo muddo wada socday, kuwaasoo xitaa hadii khilaaf dhexmaro, bannanka iman waayay .. Waxaa in badan la shaaciye iney isku dheceen, laaakiin markasta weey beenoobi-jirtay,Waxaa geed dheer iyo mid gaabanba loo fuuleey sidii loo kala irdheyn lahaa, waase lagu guul-dareeystay wixii hadda ka horeeyey .. Waxaa intaa oo dhan looga dan lahaa, siduu Madaxweyne Farmaajo u noqon-lahaa mid aan waxba ka duwaneyn madaxdii hore ee is dagaali-jirtay oo labo iyo sadex Raiisal-Wasaare soo magacaabi jiray .. Ugu dambeyn jaan-gooyo farsamo iyo jar la dagay awgeed, waxaa lagu guuleeystay in labadoodii bannaaka la kala dhigo, Farmaajana kaligii isago qaba hogasho ciil meel bannaan ah la soo istaajiyo. 

Qorshaha mitidka Mucaaradka wuxuu markasta ahaa Aar-doon ay ku nishaabayan in marka hore Farmaajo iyo Kheyre la kala haatiyo si taas u fushana waxaa Garmajo dhegta loogu sheegay oo lagu yiri: ma ogoshahay inaad Raiisal Wasaaraha ka takhalusto, ka bacdina mid anaga naga mid oo kula shaqeeya aan keensano, balse haddi aad taas yeesho waxba kama qabno inaad xilka kordhisato 

Maxamed Farmaajo oo ku khafiifay Muddo-kordhis un kaliya aan horay u sameysan wax gogol-dhig u kaga duulo qorshahiisa, wuxuu hadba ka leex-leexdaba ugu dambeyn waa khaarijiyey Kheyre .. waxaase xusid mudan in  Kheyre isla markiiba dibinadaas hoos yaal u ka ogaaday xubin ka mida Mucaaradka .. Kheeyre oo arintaa ka ciil-cunay wuxuu bilaabay inu farmaajo feylaha jaro oo isla markiiba ciir-yaamo galiyo qorshihiisa mudo-kordhiska

Mucaaradki oo geemkaas lagu khaarajiyey kheyre iyaga ka dambeeyey, waxay marki dambe farmaajo ku yiraahdeen: Adeeroow mud kororsi wax la dhoho ma ogolin ee doorashada waqtigeeda ku qabo, isla markaana si toosa iyo si dadbanba ku direen beesha caalamka, taaso kaliftay in beesha caalamka ay ka codsato Farmaajo in ninka laga dhigaayo Riisal Wasaaraha u noqdo mid la iskala tashado .. Farmaajo illa maanta kaligiis ayaa banaanka taagan oo arini jiq ku noqotay.

Madaxweyne Farmajo wuxuu hadda baadi goob ugu jira Raiisal Wasaare cusub oo u is leeyahay ka dhigo jaran-jaro mudo-kororsi keliya, laakiin wax kasta oo u la yimaado kolba ma dhaceyso inu horay ka eryo, waxaana dhici-karta in sheekadu ku noqoto sidi Nuur-Cade ku sameeyey Cabdulaahi Yuusuf oo sababtay inu is casilo 

Dhanka kalana haduu keensado Raysal Wasaare uu is leeyahay, mudo kororsi waad ku fushan kartaana, oo shaqaalihiisa madaxtooyada ka soo dhex qabsado,sida wararka qaar sheegayaan, sida: Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), oo hada ah: Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, ama Inj.Cabdullaahi Cali Xasan oo hadda ah wasiirka ganacsiga DF iyo dadka la midka ah,hade mucaaradka ayaa sii laba kacleeynaya, oo waliba maamul-Goboleedyada, iyo beesha caalamkaba isku wada saf yihin oo, mudo kororsi wada diidsan.

 Si Dalkan looga qabto doorasho toos ahoo Qof-iyo-Cod ah, waxaa loo baahnaa in laqabto, howl badan oo aheyd in la billaabo maalintuu madaxweyne Farmaajo kursiga yimi, sida: Xoreeynta qeeybaha dalka, ee Al-Shabaab iyo Daacish heeystaan .. Dhameeystirka dastuurka, iyo gaar bahaan sharciga xisbiyada .. Tirakoobka guud ahaan dadka Soomaaliyeed .. Diiwaan-galinta cod-bixiyeyaasha xaqa u leh ineey codeeyaan .. Dhisida maxkamada dastuuriga ee beri lagu kala bixi lahaa, hadii is qabsi dastuuri ah yimaado iyo wax la mida .. Waxaa oo dhan lama qaban, si loo qabtana waxaa loo baahan yahay sanado aan yareyn si dalka diyaar ugu naqdo doorasho toos ah.