Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Haddba Dhinac Kaga Dhufo Bal In Ay Ku Gasho Kubada Goolka .. Curaafi Baadari Gaaleed Oo Gorofki Trump Kaga Farxiyey: Beydan Ka Bul Dheh Waxba meesha Uma Yaalaane

Wednesday - October 21, 2020


Donald Trump isagoo ku sugnaa golaha Kaniisad ku taalla gobolka Las Vegas ayaa waxaa halkaas hadal ka jeediyey Wadaad Awliyo Gaaleed ah oo la yiraahdo Denise Goulet, wuxuuna Trump ku yiri “ Ilaahey baa ila hadlay oo wuxuu ii sheegay in mar labaad madaxweynaha Trump la guddoonsiin-doonaa dabeyl labaad" oo uu ugala jeeddo cudurka Koroonaa oo dhawaan ku dhacay Trump, Waxuu kalo Badarigaas Carabka ku dhuftay in madaxweynaha mar labaad dib loo dooran-doono, balse isagoo sidi libaax u hamaansanaya u ka soo jeedsan-doono Guriga Cad

Trump oo dan iyo heelo aan ka galin cudurka khatarta loo saadaaliyey, ayaa hadalka dib u soo laabashada kursiga madaxtinimada si weyn oo farxad waali leh ugu riyaaqay, kadibna ninka la tartamaya ee Beydan ayuu ku tilmaamay in naftu ka sii khiikh leedahay oo aysan waxba meesha u oolin 

Trump wuxuu taageero xooggan ka heystaa Dadyowga aaminsan Kirishtanka Evangelical, sida ay muujineyso daraasad dhawaan la sameeyay, maadama uu ka shaqeeyay arrimo badan oo dan u ah dadyowga diintaas haysta.