Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Ragi Waa Kuwaa Awood Gabay In La Aaso Mooye .. Ka Waran Dawlad Golaheeda Wasiirada Dhamaan Ay Hablo Yihiin .. Ha Ku Daayo Caashaqu

Wednesday - November 25, 2020



Waxaa indhaha caalamka ay eegayaan Rai’sul Wasaaraha dalka Finland oo ah hogaamiyaha isbeheysi siyaasadeed ka kooban Dumar oo keli ah, taa oo hadda muddo sanad ah hogaamineysa waddankaas,
Waxaa haweenkaas oo dhan lagu ammaanay daganaan-tooda iyo hoggaanka wanaagsan ee la dagaallanka fayriska Corona.

Ra’iisul Wasaaraha Finland, Wakhti uma hayso hadal maalaa-yacni ah, balse waxay noqonaysaa todobaadkii ugu horeeyay ee ay shaqada ku soo laabato ka dib markii ay aroos gashay .. Fasaxa yar ayey ka qaadatay shaqada, ka dib arooskii la yaabka lahaa ee ay gashay bishii August, xilli uu caalamka fara ba’an ku hayay fayriska Corona.

Sana Marin,Waxay noqotay rai’sul wasaarihii ugu da’da yaraa ee Finland soo mara, waxay markaasi jirtay 34-sano .. Ms Sanna Marin Dhamaan golaha dowladeeda waxay ka dhigtay wad haween, wxaana sawir laga qaaday iyadoo bar-bartaagan golaheeda wasiirada, waxay tiri fursad ayay ii ahayd inaan caalamka tusno “cidda aan nahay haddii aan reer Filand nahay”.

War-baahinta caalamiga ah waxay si wayn wax uga qoreen dowladda Finland ee ay hogaamiso Gabadha Sanna Marin. oo ay wargeysyada cinwaanada laga qoray markii uu soo baxay sawirka xukuumadda Finland ee wada dumarka ah, wxaa qoraaladaa ka mid ahaa: U ololeynta dumarka ayaa ka hirgashay dalka Filand .. Baarlamaanka Finland oo bilaabay wax cusub oo ku saabsan sinaanta jinsiga .. Xukunka dumarka waa wax aan sugeynay.

Dalka Finland ayaa waligii caan ku ahaa in dumarka ay kaalin ku yeeshaan talada dalkaasi iyo in dumarka ay helaan xuquuq la mid ah tan ragga .. Sannaddii 1906, waxaa uu dalkaasi noqday wadankii ugu horreeyay caalamka ee dumarka siiya xaqa codeynta iyo inay ka mid noqon-karaan baarlamaanka, taasi oo aan xilligaas ka dhaqan gelin inta badan wadamada reer galbeedka, illaa laga soo gaarayay waxii ka dambeeyay dagaalkii kobaad ee aduunka.

Waxaa hadda baarlamanka Finland ka mid ah hal gabar oo madow ah .. Maria Ohisalo, oo 35 sano jir ah ayaa sheegtay in ay ku raacsan tahay dadka sheegaya in dowladda ay tahay in ay wax badan ka qabato kala duwanaashiyaha noolshada bulshada