Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Tijaabada Talaalku Geeri Waa U Halis .. Laba Qof Oo Ka mida Dadkii Lagu Tijaabiyey Covid-19 Oo Ku Dhintay Mareykanka

Thursday - December 10, 2020



Wakaalada haya'da cuntada iyo dawada ee dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay dhimashada Laba qof oo ku jiray dadkii lagu tijaabinayey tallaaka Coronavirus ka ee ay soo saareen shirkadaha Faysar ee Maraykanka iyo BioNTech oo Jarmal ahi.

Labada qof ee dhintay midkood ayaa dhimashada ka hor lagu arkay buurni ku soo korortay iyo halbawlayaasha dhiigga qaada oo tawafay, saddex cisho kaddib tallaalka kowaadna waa uu geeriyooday .. Qofka labaadna waxa uu u dhintay wadne istaag ku yimi 60 maalmood kaddib markii uu qaatay tallaalkii labaad.

Sida oo kale waxaa geeriyooday 4 qof oo ka mid ahaa dadka tijaabadan la marinayey, laakiin iyaga lagu muday dawo malo-awaal ah oo qayb ka ahayd tijaabada.

Wakaaladda dawada iyo cuntada ee Maraykanka ayaa hore u caddaysay in tallaalkani uu waxtar leeyahay, isla markaana baarista lagu sameeyey muujinayaan in uu aamin yahay.