Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Akhbaarti Facda Weyneyd Ee Zamaanki Hore .. Nabi Adam Marki La Sameeyey Afartan Habeen Ayu Dhoobo Ahaa Kadib Ayaa ILaahay Naf Ku Afuufay

Wednesday - April 14, 2021



Ilaah marki hore wuxuu abuuray waxyaabo kale oo badan intaan binii’adanka la abuurin. Waxaa ka mid ah wax-yaabahaas uu Ilahay abuuray maalmaha kala duwan .. Ciida oo la abuuray maalin Sabti ah, Geedaha oo la abuuray maalin isniin ah, buurah oo la abuuray maalin Axad ah,  cudurada oo la abuuray maalin Talaado ah, nuurka oo la bauuray maalin Arbaca ah iyo Khamiis oo la abuuray waxyaabaha kheyraadka ah ..  Intaas kadib Ilaahey waxuu abuuray nabi Adam Cs maalin Jimca ah salaat casir kadib. 

Allaah subxaana watacaala malakul-Mawt ayuu samada ka soo diray kuna yiri dhulka iiga keen caro si nabi Adam loo sameeyo. Malak-Mawt sidii ayuu sameeyey Illaah nabi Adam ayuu abuuray waxuuna  ku dhax abuuray janada, waxaana laga abuuray ama laga sameeyey nabi Adam ciid ama caro medebkeedu kala duwanyah .. Nabi  Adam,  afartan habeen ayuu dhoobo ahaa, markii la sameeyay kadib. Afartan cisha kadib naf ayaa Illah ku afuufay nabi Adam , waxayna ruuxdu ka gashey qaarka hore. Isla markii nafta la geliyey wuu hindhisay  Ilaahne waa  u duceeyey.  Nabi Adam cunitaan ayuu ku bilaabay mirihii janada ku yiilay isaga oo qaarka danbe wali meyd ka ah.

Janada waxaa ku noolaan-jirey malaa’ikta iyo ibliis oo markaa qof wanaagsan ahaa. Ibliis nabi Adam ka hor ayaa la abuuray janada ayuuna ku noolaan jirey. Intaas kadib markii nabi Adam Cs la abuur dhammeeyey, ilaah wuxuu amrey malaa’iktii  iyo ibliis in ay u sujuudaan nabi Adam. Malaa’ktii wey u sujudeen nabdi Adam laakin ibliis wuu diiday in uu u sujuudo nabiga asago iska kibriyay is-kalana weyn amarka Ebe iyo nabigaba. .. Ibliis wuxuu dhahay isaga oo iskibrinaya uma sujudayo wax ama qof laga sammeyey Carro maxaa yeeley ani waxaa la iga sammeeyey Naar ama holac waana run oo ibliis waxaa Ebe ka abuuray Naar laakin amarka Ebe wuu diidey in uu raaco. 

Ibliis maalinba maalinta kadanbeyso naceeb ayuu u qaaday iyo cuqdada asagoo layaaban ujeedad lo abuuray nabi Adm Cs. Markii ibliis diidey Alle amarkiisa, janada ayaa laga ceyriyey ayada oo naxariis iyo raxmad Ebe laga fogeeyey. Dambikaas oo ahaa dambigii u ku weynaa oo Ilaah laga galo.

Nabi Adam janada ayuu iska dhax joogi  jirey, markaas cidlo ayuu dareemay  janada dhaxdeeda. Illaah wuxuu u abuuray Xaawo oo laga abuuray nabi Adam feeriisa  si ay wehel  iyo xaasba ugu noqoto. illaah (sbxw) wuxuu ku yiri Adam iyo Xaawo dega janad dhaxdeeda kana cuna meeshaad doontaan illaa geed laka xarrimay mooyee, laakiin ....... Beri halkaan kala soco qaybta ka hartay qiisada Adam