Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Mid Ka Mida Calaamadaha Saacadaha Qiyaamaha .. Qeexid Kooban Oo Ku Saabsan Mahdiga Iyo Cidu Yahay

Saturday - May 29, 2021



Mahdiga .. Macnaha Mahdigu waa ruux Alle ku hanuuniyey jidka toosan, waxaana iimaashihiisa rumaysan dadyooga islaamka ee Sunniga iyo Shiicadaba, hase ahaatee mahdiga Shiicadu ay sugayaan waa mid gabi ahaanba ka duwan kan ku soo arooray Axaadiista saxiixa ah.

Sida caadiga ahna marka Rasuulka Alle (scw) ka warramo arrin mustaqbalka dhacaysa waxa dadku u kala qaybsamaan dhawr qeybood .. kuwo diida gabi ahaanba ayagoo beeninaya sunnada nabigii Ilaahay (scw) .. kuwo rumeeya wixii ka sugnaaday Rasuulkii Ilaahay (scw) iyo kuwo ku xad-gudba oo wax aan jirin ku darsada.

Arrinta ku saabsan Mahdigana, waxa loo kala qaybsamay sadex qeybood: qolo aan aqoon iyo cilmi u lahayn diinta Alle wayba diiday gabi ahaantiisa ayagoo si cad oo qayaxan u baal-maray axaadiistii Rasuulka (scw) oo saxiixa .. kuwo kalena way sugeen imaanshihiisa balse waxay ku dareen waxyaalo aan sal iyo raad ku lahayn diinta Ilaahay ayagoo u ekaysiiyey sida Masiixu dajjaalka Yahuudu sugayso .. qoloda sadexaad oo ah Muslimiinta Ehlu sunnaha ahna ayaguna waxay raaceen axaadiistii ka sugnayd nabiga (scw) ayagoon waxna ku darayn waxna ka dhimaynin.

Ugu horeyn aan ku bilowno qeexid kooban oo ku saabsan Mahdiga iyo ciduu yahay .. Caqiidada Ehlu Sunnah waxa weeye in Mahdigu yahay calaamad kamid ah calaamadaha saacada Qayaame, kaas oo nabigii Ilaahay (scw) uu ka warramay.

Mahdiguna waa nin kamid ah ehelka baytka nabiga (scw) soona baxaya Aakhiru Zamaanka, wuxuuna Alle ku toosinayaa umada muslimiinta ah, dhulkana wuxuu ka talinayaa Todoba ama sideed sanadood, isagoo dhulka ka buuxinaya cadaalad halka markii hore ay dhulka ka buuxda dulmi iyo gardarro, xilligaasna dadku waxay gaarayaan barwaaqo aan hada kahor gaarin, dhulku wuxuu soo saarayaa beerihiisa, cirkuna wuxuu soo daynayaa roobkiisa.

Magaca Mahdinguna wuxuu lamid yahay magaca Rasuulkii Ilaahay (scw) waa Muxamed ama Axmed, aabihii magiciisuna wuxuu lamid yahay magaca nabi Muxamed aabihii ee Cabdullaahi, wuxuuna ku abtirsadaa Xasan ibnu Cali ibnu Abudaalib. Dhanka kale waxa soo aroortay sifooyin uu leeyahay oo ah inuu ninkaasi salxanyo leeyahay ama timaha hore ee madaxiisa ayaa dib u gurmay, sidoo kalena wuxuu leeyahay san dheer iyo sanqaroorka oo sare u taagan.  

Waxa jira farqi aad u wayn oo u dhexeeya Mahdiga Sunniga iyo Mahdiga Shiicada ay sugayso, farqigana waxa keenay Shiicada oo aan rumaysnayn sunnada nabiga (scw) taasoo sugan saxiixna ah, sababtuna waxa weeye asxaabta nabigii Ilaahay shiicada agtooda waa ka beenaalayaal, wayna gaalaysiiyeen wax yar mooyee, markaa sideebay u qaadanayaa war ay soo wariyeen saxaabadii Rasuulkii Ilaahay (scw), waxayna sunnadii nabiga (scw) ka tuureen dhabarkooda.

Shiicadu waxay kale oo caqiidadooda kamida ah waxa loo yaqaano imaamnimada, waxayna leeyihii Kow iyo Toban imaam, markii ninkii kow iyo tobnaad oo ahaa Xasan al Caskari dhintay ayey xayirmeen, sababtoo ah ninkaas Xasan Alcaskari kamuu tagin wax ubad ah, dabadeedna waxay sheegteen in Xasan Alcaskari dhalay wiil yar oo ku qarsoomay magaalada Saamuraa, isagoo wiilkaasi dhashay sanadkii 255 hijriyada, wuxuuna qarsoomay sanadkii 265 kii waxayna ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay Kun iyo laba boqol oo sanadood sugayaan wiilkaas, ayagoo sanadkasta u diyaariya fardihii soo qaadi lahaa, waxayna sheegteen inuu soo baxayo aakhiru zamaanka, isagoo uga aargudaya cadawgooda waa sida ay sheegteene, cadawgooduna waa saxaabadii nabiga (scw) sida Abubakar, Cumar, Cusmaan, Caasha, Xafsa iyo dhamaan saxaabadii Rasuulka marka laga reebo lix nin mooyee.

Mahdiga shiicadu waa sida ay sheegtaane markuu soo baxo wuxuu ugu horeyn tagayaa qabriga Rasuulka (scw) isagoo soo fagaya qabriga Abubakar iyo Cumar kadibna intuu kasoo saaro ayuu isku tallaabta ku dilayaa, wuxuuna laynayaa cadawga Shiicada iyo Raafidada, wuxuu burburinayaa masaajidada, wuxuu wax ku xukumayaa shariicadii nabi Daawuud isagoo baal marayaa shariicadii nabi Muxamed (scw), waxay sheegteen Shiicadu in wiilkaasi markuu soo baxo uu isu keenayo Raafidada kadibna jirka raafidadu weynaanayo ayagoo lamid noqonaya afartan nin awoodooda kadibna ay ku tumanayaan dadka.

Waxa cajiiba oo yaab leh in Mahdiga Shiicadu sugayso iyo Masiixul Dajjaalka ay Yahuudu sugayso ay leeyihiin sifooyin la yaab leh oo ay wadaagaan. Wuxuu yiri Dr Cabdalle Jamiili ” Cida u fiirsata Masiixa ay Yahuudu sugayso iyo sifooyinka mahdiga ay Shiicad Raafidadu sugayso, wuxuu helayaa isu ekaan ka dhaxaysa masiixa Yahuuda iyo sifooyinka mahdiga shiicada-Raafidada.

Ugu danbeyn: Gababadii waxaynu leenahay kuwo beeniyey Mahdiga ee gabi ahaanba dafiray xadiisyada sugan ee nabiga (scw) inay arrimahooda u hogaamiyaan Ilaahay, caqliga ay adeegsanayaan aanu maalinta aakhiro ka saaraynin xisaabta Ilaahay maadaama ay dafireen oo inkireen sunnadii Rasuulkii Ilaahay scw.

Kuwa Sunniyiinta ah ee ayagu rumaysan xadiisyada ka sugan Rasuulkeena (scw) waxaan leenahay ha liicina, hana u dabcin gaal iyo faasiq toona, hana isku halaynina mahdi ayaa imanaya ee nin kasta iskii ha ugu cibaadaysto Ilaahay, wixii awoodiisa ah ee uu qaban karayana ha qabto. Wallahu aclam,