Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Waa Qiiso Diini Ah Oo Mudan In Lagu Cibrad Qaato .. Waa Qiiso Dhacday Mudadi Cumar Binu Al-Khadab RC Uu Hayey Xukunka Islaamka

Friday - June 4, 2021


Waxaa maalin maalmaha ka mida Cumar Binu Khadaab u yimid Saddex Wiil oo wada Nin aabahood dilay waxeyna ku yiraahdeen:- Cumaroow ninkaan waxaan rabnaa inaad noo qisaasto oo Diley Aabaheen .. Cumar baa Ninkii wuxuu ku yiri: Maxaad u dishey wiilashaan Aabahooda?

Ninkii wuxuu yiri:- Waxaan ahey Nin Geel Jire ah oo Geel iyo Ari ayaan meel Daajinayey, dabadeed Neef Geel ah oo ka mid ah Kuweyga ayaa waxaa uu Daaqey Geed ku yaal Dhul uu leeyahey Odeyga .. Odeygi dhagaaxyuu qaatey markaas buu ku dhuftey Neefkii Geela ahaa, wuuna dhintay, Aniguna isla Dhagaxii baan qaatey oo ku Dhuftey markaas buu isna Dhintay.

Cumar Binu Khadaab RC, waxaa uu yiri:- hadaba waxaan kugu Qaadayaa Xadka .. Ninki danbiga loo haystay ayaa yiri: Saddex Casho i siiya waayo Aabehey ayaa Geeriyoodey wuxuu nooga tagey Hanti Aniga iyo Walaalkey iga yar, hadaad i disho hantidaas wey Lumeysaa iyo Walaalkeyba.

Cumar baa yiri:- yaa ku Damiinanaayo? Ninkii baa Eegay Wajiyada Dadka joogey Goobta markaas buu inta nin Farta ku fiiqay buu yiri: Ninkaas .. Ninki oo noqday Saxaabigii weynaa ee Abuu Dar.

Cumar wuxuu yiri:- Abuu Dar, Ninkaan ma Damiinaneysaa? .. Abuu Dar waxaa uu yiri:- Haa, Amiirki Mu’miniintoow .. Cumar waxaa uu yiri:- Adigu ma Taqaanid, haddii la waayo Adiga ayaa lagugu Qaadayaa Xadka (Dilka).

Abuu Dar wuxuu yiri:- Anaa Damiinanaaya Amiirkii Mu’miniintoow.
Ninki waa la Fasaxay, wuuna baxay, Maalintii Koowaad waa Dhamaatey sidoo kale tii Labaad iyo tii Saddexadba waa ay Dhamaadeen Dadkoo Dhan waxey u Cabsoonayeen Abuu Dar, si aan loogu Qaadin Xadka (Dilka).

haddaba, wuxuu waqtigu is guraba waxaa la gaaray xilligii ay qorraxdu dhaceysay, oo Abuu Dar, ayaa la sugayaa in Xukunka lagu Fuliyo ileen Ninkii lama hayee. balse Ilaah Mahadiis goor ay Qorraxdi dhaceyso oo ay Maqrib tahay ayaa waxaa meel aad u Fog Saxaraa ah wxaa ka soo muuqday Ninkii la wada sugaayey isagoo uu ka Muuqdo Daal iyo Safar Dheer ayuuna soo hor Istaagay Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Binu Khadaab RC, isagoo dhahaayo:- Waxaan u dhiibey Hantidii iyo Walaalkey-ba Abtiyaashiis, hadana waan kuu Imid si aad iigu Qaadid Xadka (Dilka) Amiirkii Mu’miniintoow.

Cumar wuu yaabay, waxaana uu Su’aalay Ninkii, wuxuuna ku yiri:- Maxaa ku soo celiyey waxaa suurtagal aheyd inaad baxsatide .. Ninkii baa ku jawaabey:- Waxaan ka baqay in la dhaho dadka Islaamka ah dhexdooda waxaa ka dhamaaday ofinta ballanta.

Cumar misana wuxuu Su’aalay Abuu Dar oo uu ku yiri:-Maxaad u damiinatay ninkaan Adigoon wax Aqoon ah u laheyn yaa Abaa Dar .. Abuu Dar baa ku jawaabay:- Waxaan ka Baqey in la Dhaho Dadka Islaamka ah Dhexdooda waxaa ka dhamaaday khayrkii iyo naxriistii.

Intaas ka dib, waxaa qisada la yaabay wiilashii Aabahood la dilay oo waxey yiraahdeen waan Cafiney Ninkaan, waxna uma qabno .. Cumar ayaa Su’aaley wiilashii oo ku yiri: Sabab maxaadse u Cafiseen Ninkaan oo Aabihiin Dilay ? .. Wiilashii ayaa ku jawaabeen:- waxaan ka baqnay in la dhaho Dadka Islaamka ah dhexdooda waxaa ka dhamaadey Cafiskii.