Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Cirka Roob Ku Maqan Cagaarkiisa Soo Baxa .. Loolanka Wasiirada Xukumada Cusub Ee Soo Socota Iyo Tartanka Loogu Jiro

Monday - June 20, 2022



Waxaa isha lagu wada hayaa xukuumada cusub ee soo socota iyo xubnaha ka mid noqon-doona, taa darteed waxaa mogdisho laga dareemaya wadatashiyadii ugu dambeeye, waxaase la xusaya in inti badneyd wasiiradaas magacyadooda horay qalinka loogu duugay .. koleyba ninba kaalinta u kaga jiray shaqadi ololihi doorashada Xasan Shiikh weelka wax waa loogu shubin, waxaa kalo halkaas ka socda talo saami qaybsi ah iyado halkaas si sad bursi ah loo taxgalinaya Reer Dhaba -haye, Reer baal-shinbiro iyo Reer Baal Digaag

Hoteelka uu garoonka diyaaradaha Muqdihso ka deggan yahay Ra’iisul wasaaraha magacaaban Xamse Cabdi Barre ayaa waxa ka jira mashquul badan iyo siyaasiyiin xildoon ah oo saf ugu jiray maalmahaan dambe xafiiskiisa kumeel gaarka ah .. Rag baa rumeysan in anay noqon-karin siyaasiyiin guuleysta haddi anay haysan Shahaadada Digriiga ee qabyaalada (Degree of Tribalism)

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kusugan dalka Imaaraat-ka carabta ayaa waxa la sugayaa in marka dalka kusoo laabto in la hor geeyo Baarlamaanka R/wasaare xamse kadibna maalmaha ku xiga la soo magacaabo xubnaha wasiirada xukuumada Cusub.

Wasiiro kooban oo shaqo yaqaan ah ayaa laga filayaa inuu soo magacaabo Xamse Cabdi Aar kaas oo sheegay in dadka uu xulan-doono ay noqon doonaan kuwo ay wada jaan qaadi karaan.

Wasiirada laga yaabo in xukuumada ka soo dhex muuqdaan waxaa ka mid ah C/raxmaan Yuusuf Ceynte oo ah aqoon yahan da’yar ah ayaa laga yaabaa in loo magacaabo Wasaarada waxbarashada iyo hidaha tacliinta sare.

Sidoo kale waxaa iyana ka soo muuqan doona xukuumada cusub saaxiibo madaxweyne xasan sheekh maxamuud wax kasoo dhistay ayaa xilal wasiir kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaasha.