Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Adoonkii Wanaagsanaa Uguna Kheyrka Badnaa Basharka .. Nabi Maxamed CSW Oo Ka Dardaarmay Xanaaneynta Xoolaha Iyo In Cadaalada Si Xaq Ah Loo Maareeyo

Thursday - June 23, 2022



Nabigeeni Maxamed SCW, wuxuu dadka ku boorin jiray inaan la dhibin oo u turaan xoolaha iyo inaan lagu xambaarin waxayna qaadi Karin, lagana fududeeyo silica iyo xanuunka xitaa marka la gawracayo, wuxuu yiri rasuulka Ilaahay (CS): “Ilaahay wuxuu amray in loo samafalo wax kasta, ee hadaad dishaan wanaajiya dilka, hadii aad gawracaysaana wanaajiya gawraca, oo afeeya mindida oo u raaxeeya neefka aad gawracaysaan”

Wuxuu yiri nabigu (CS) “haweeneey ayaa naarta u gashay Bisad ay xirtay awgeed, mayna quudinin Bisadaas ma ayna sii daynin si ay cayayaanka dhulka u cunto .. mid ka mid ah asxaabta ayaa yiri: nabiga ayaan safar ku wehelinay, markaasuu naga fogaaday rasuulkii Ilaahay, waxaan aragnay Shinbir haysata laba ilmood, markaasaan ka qaadnay labadeedii ilmood, markaaseey Shimbirtii dhashay ilmahaas timid, waxayna bilawday inay is gilgisho oo ay garbeheeda ruxdo, markaasuu nabigu yimid oo uu arkay muuqaalkaas, markaasuu yiri: “yaa Shimbirtan ka qaaday ilmaheeda oo ka nixiyay ee u celiya ilmaheeda” 

Sido kale Nabigeeni Maxamed SCW, wuxuu ahaa mid cadaalad badan, oo fuliya sharciga Ilaahay, xitaa ka lagu fulnayo haduu yahay qofka ugu dhow, asagoo u hogaansamaya amarka Qur’aanka: (kuwa xaqa rumeeyoow noqda kuwo u istaaga cadaalad oo ah marag eebe, naftiinaba ha ahaato ama waalidkiin ama qaraabo) .

Waxaa nabiga (CS) uu yimid mid ka mid ah asxaabta oo u ergeynaya haweenay sharaf ku leh tolkeeda oo wax xaday, si aan loo ciqaabin, markaasu nabigu yiri: "ILaahayga naftayda ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartayee haday gabadhayda Faadumo Muxamad wax xado ciqaabta ayaan ku fulin lahaa"

Markii uu Nabigu CS dadka ka xaareemayay Ribada wuxuu ku bilaabay dadkii ugu dhowaa isaga, oo ka reebay ribadii, kaasina waa adeerkii Cabbaas, wuxuu yiri nabgiu (CS): ribada u horaysa ee aan burinayo waa ribadii Cabbaas Cabdi Mudalib, dhamaantii waxba kama jiraan”. 

Wuxuu nabigu CS ka dhigay halbeega xadaaradaha umadaha iyo horumarkeeda in qofka tabarta daran uu ka qaato xaqiisa qofka xooga badan asagoon ka cabsanaynin oo aan labac-labac-leenaynin .