Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Ugu Dambeyn Bulshadii Reer Galdogob oo Iska Qaaday Isbaaradi Miinooyinka

Thursday - July 17, 2008

Galdogob : Waxaa Maanta lagu guulaystay in dib loo furo mid ka mid ah Waddooyinkii soo gali jiray Degmada Galdobgob ee Gobolka Mudug , kadib markii ay Wadadaasi u xirneyd sabab la xiriirta Miinooyin iyo Waxyaabaha Qarxa oo ku Aasneyd muddo 26 Sano ah.

Ciidmada Booliska degmada Galdogob ee Dawlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan kuwa qaabilsan baarista Waxyaabaha Qarxa ee degmadaas ayaa ku guulaystay in Wadadaasi ay dib u faraan kadib markii ay ka sifeeyeen dhamaan  miinooyinka oo horay ugu aasnaan jiray qeybo ka mid ah Degmadaas.