Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Waa Qisadi Gabadhi Quruxda Badneyd Hinda Bint Mahlab Ee Ku Calaa-cashay: Subxaana-laahiye Waxaa ii Qaba Malooli Aan Wax Ahayen

Friday - July 7, 2023




Silsiladi Taariikhda islaamka gaar ahaan arlada Ciraaq waxaa ku jirtay Gabar la oran jiray Hinda Bint Mahlab oo ku nooleyd magaalada Baqdaad ee cariga Ciraaq .. Gabadhaas waxay ahayed mid qurux siyaado loo siiyey isla markaana bilic gobeed loo dhameeyey, waxaa lala yaabi jiray haybada Wajigeeda , Horjoogeeda, Dabcigeeda fiican iyo daymadeeda iyo hanaanka markay socoto ee gacmaha si deyso, waxay kalo lahayed suniyo cajiiba, waxayse intaa ku darsatay garasho dheer oo ay lahayed.

Gabadhaas oo caan ka ahayed dalkaas Ciraaq, waxaa ugu dambeysti guursaday Xaakimki Ciraaq loo soo magacaabay ee la oran jiray Xajaaj Bin Yuusuf, kaasoo ahaa xaakim Shar badnaa, Arxan goys ah, dadkiisa Dabar ba'an ku xiray .. Xaakimkaas-Governar-ka, oo ahaa xaakim naxariis daran lagana dhaa-dhicin karin waxaas waa khalad, wuxuu Godka iyo xabaasha u diray amase Birta uga aslay Kumanyaal bulshada reer Ciraaq ah, sido kale xaga quruxda ma ahayen Nin deymo fiican leh oo suuradiisa dhibic quraxa kuma jirin, balse wuxuu ahaa Rife Waji foolxun leh

Gabadhi Hinda oo Sawja u noqotay bahalkaas Xajaaj Bin Yuusuf, muddo kadib iyo maalin maalmaha ka mida waxay goor subaxa isku daawatay Muraayad gurigeeda surneyd kadibna waxay la cajabtay isu dheel-tirka quruxdeeda iyo Ninka qaba foolxumadiisa, waxayna halki iyadoo murageysan Oofteeda ka dilaacaday hadalo suugaaneed ku burqatay: "Bal Eeg sidaan u Qurx-badanahay, Quruxda sida Geenyo gilaman ee Eebe igu maneystay iyo Suurada Awrkaan Baar-qabka ee i qaba, oo aad moodeyso Dhurwaa gudaaya .. Waan IL-duufay Calafkuse waa cajiibe ILeyn Meher baa lagu xira malooli aan wax ahayen ee Afarta Gar-jiho Xagee nafteyda u arooriya .. Afku hadal waa daayey, ILahay Janada ha ka waraabiyo qoyski aan isrkiisa ka farcamay ee lahaa muunada wanaagsan .. Walee ilmaha aan dhalo hadey qurx bad-naadaan waa xaga iyo firkeyga, laakiin hadey Gafuur iyo Af Daanyeer leeyihiin iyo Lugo Digaag waa xagaa iyo Baran-baradaas ii qabta .. bal eeg Gogoshu wehel ma leh oo bahal baa iga soo hor mutaxan .. Rabi Samir iyo iimaan ha ii siiyo ayey hadalkeedi ku soo gabagabeysay

Xajaaj Bin Yuusuf kama u fogeyn goobta ay xaaskiisa Hinda ku calaacashay " Sfogare" oo dhamaan wixii geraar calaacal ay tirineysay waa u maqlay, hasa yeeshe isma tusin sidaa daraadeed waxuu la kulmay qaali ay saaxiib ahayen wuxuuna ku amray inu Hinda u tago kuna furo laba Erey oo qura aan lahayen mid Sadexan .. Qaaligi waa u tagay Gabadhi Hinda wuxuuna si baaq ahaana ku yiri " waxaad ahayd Gabar" oo u fasiran " Waxaad ahayed Sawjad iminkana Carmal" .. Hinda oo furinkaas ka jawaabeysa waxay tiri: Awlba kuma farxsaneyn guurka, haddana haddi la ii furay kama xumaan.

Warki furitaanka Gabadhi Hinda dacal ka dacal ayaa arlada Shaam laga maqlay, halkaasna si gaara warki wuxuu gaaray Amirki dalka Shaam Cabdul-maalik Bin Murwaan oo fadhigiisu ahaa magaalada Dimashaq, isla markaana ahaa ninki Xajaaj bin Yuusuf u soo magacaabay dhulka Ciraaq.

Amiirki Arlada Shaam ee Cabdi-malik Bin Marwaan, wuxuu isla markiiba dhambaal u soo diray Gabadhi Hinda oo ku yiri: Salaan Diiran iga Hoo .. Wacan oo wanaagsan, mahad Alle baa iska leh Dumarka noga dhigay Wehel, nagana dhigay dad musllim ah noona sameeyey Suurada ugu Qurux badan .. kana dhigay Gabdhahayaga kuwa Edeb iyo Sharaf Xishood leh .. Hindoy` inkasto aan ahay Amiir, haddana waxaan ahay Gob ee aan ku guursado oo Amiirkaaga ha ku caasiyin, waxaanse ku xasuusinaya inaan jeclahay Cimrigeyga inta ka dhiman inaan adiga kula qaato oo weligey kuma khiyaami-doono ee Hindoy soo Ajiib

Hinda oo jawaab celisay waxay tiri: codsigaaga waxba kama qabo, laakiin Weelki waxaa carrabka ku walaaqay Ey oo carradi qurmiyey "waxay ula jeeday ninki qabay ee Xajaaj Bin Yuusuf" .. Amiirki Cabdi-maalik Bin Marwaan waa soo jawaabay oo isna yiri: Weelka Eyga Afka gashaday Todoba jeer Biyo ku dhaq, kadibna hal mar carro ku rog .. Hinda oo markale soo jawaabtay waxay tiri: Guurkaaga waan aqbalay, has-ahaate waxaa shardi ah in ninki i furay Xajaaj Bin Yuusuf  waa in Ratiga laygu soo qaadaayo u isagu xariga hogaanka u qabto, isla markaana usan madaxisa cimaamad saaran .. Amiirki oo aqbalay shuruudi gabadhi Hinda, waxuu amar ku siiyey  Governarki Xajaaj Bin Yuusuf in isaga laftiisa Gabadha Hinda halkaan iyo dimashaq keeno .. Xajaaj Bin Yuusuf Amarki Amiirkiisa cataab la'aan iyo isago Canka laalaadinaaya kuna jiifsatay waa u aqbalay oo dabadeed daal awgiis isago kolba socdaka bad-badalaaya xiixda haya Dhabadi dheereyd illa Dimashaq socod ku dhaqaajiyey .. Gabadhi Hindana iyadana Carshigaa Laga Soo Aqbalay Cabashadeedi  


hits Hits : 1431