Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Hirta Waabariga Wuxuu Dhigi Jiray Dabino .. Ninki Kibirka Sida Xun Ugu Dilay George Floyd Oo Xabsiga Arizona Dhaxdiisa Lagu Tooriyeyey

Sunday - November 26, 2023




Dilaagi Derek Chauvin oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliiska Minneapolis, oo lagu helay dilka George Floyd, ayaa lagu tooriyeeyay xabsiga Arizona, sida ay sheegayso warbaahinta Mareykanka.

ILo Wareedyo kala duwan ayaa wakaaladda warrarka ee AP u sheegay in 47-jirkan uu si xun u dhaawacay maxbuus kale .. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya Laba qof oo xaaladda wax ka ogaa ayaa sidoo kale sheegay in la weeraray sarkaalkan horey booliska uga tirsanaa.

Chauvin oo cadaan ah, ayaa xukuno kala duwan loogu riday dilka ninkii madowga ahaa ee George Floyd, kaas oo dhaliyay mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo naxariis darada iyo cunsuriyadda booliiska.

Xafiiska Xabsiyada ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in maxbuus ku jiray xabsiga federaalka ee magaalada Tucson la tooriyeeyay 12:30 wakhtiga maxaliga ah (19:30 GMT).

Jimcihii.Wakaaladdu waxay sheegtay in shaqaaluhu ay hayeen dhacdada "tallaabooyin lagu badbaadinayo nolosha" ayaa lagu sameeyay Maxbuuska, kaddibna waxa loo qaaday isbitaalka, lama sheegin magaca maxbuuska , Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay ... Chauvina waxa la sheegay in uu ka badbaaday weerarka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison, oo uu CNN-ku soo xigtay, ayaa xaqiijiyay in Chauvin la tooriyeeyay, wuxuuna sheegay in xaaladiisu ay hadda wanaagsan tahay.