Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Wax Badan Akhri Si Aad Wax Badan U Ogaato .. Haddi Aad Damacdid Inaad Burburiso Bulsho Dhisan Uma Baahnid in Aad Adeegsato Hubka Wax Gumaada .. Kaliya Waxad U Baahantahay Xididada U Aasto Qoysaska

Monday - November 27, 2023





Caalim U Dhashay dalka Maroko oo magaciisa la yiraah Dr. Mahdi Elmandjra, isla markaana uu cimrigiisa nololeed ahaa mudadii u dhaxaysay taariikhdan (1933-2014) ayaa maqaal ka mid ahaa qormooyinkiisii dhaxalka reebay, waxa uu kaga waramay hababka loo dumiyo xadaaradaha bulshooyinka, waxaanu yiri: "Haddii aad damacdid inaad burburisid bulsho dhisan uma baahnid in aad u adeegsato Nukliyer amaba hubka wax gumaada, keliya waxaad u baahantay inaad xididada u-siibto qoomkaa qoysaskiisa, tayada waxbarashada iyo in aad meesha ka saarto kaalinta haldoorka ay bulshadaasi ku dayato."

Qoraaga oo sii sharxaya sidii loo fulin lahaa qorshahan ayaa wuxuu yiri:
1. Si aad u dumiso qoyska, meesha ka saar kaalinta ay hooyadu ku leedahay barbaarinta Ubadka. 
Si ay taasina kuugu suura-gasho bulshadaas u sheeg in ay gabadhu la simantayay ninka oo ay u baahan tahay inay shaqeysato, taasi waxay keeneysaa in ay hooyadu ka faanto in ay guriga joogto, halkaana waxa ku dayacmaya barbaarintii ubadkeeda .. Sidaas ayaana gurigaa waxa uga soo baxaya carruur aan tarbiyeysneyn iyo qoys dhintay.

2. Si aad u dumiso waxbarashada, hoos u dhig tayadeeda Ardayda  u fududee qishka, dadka wax bartay waa in ay la sinmaan kuwa aan waxba barani. bahdil oo hoos u dhig qiimaha macallinka iyo mushaharkiisa, si ay u noqoto shaqo laga faano oo ay ka shaqeeyaan dadka bulshadaas ugu liitaa, sidaasna ay ku luntaa aqoontii iyo cilmigii, bulshadaasna waa inay u soo baxaan arday qish ku soo baastay oo muhiimadoodu keliya tahay in ay helaan shahaado aanay aqoonteedii xambaarsaneyn.

3. Si aad meesha uga saarto dadka hal-doorka ah ee bulshadaasi ku dayato, wax-ka-sheeg oo bahdil culimada iyo aqoon-yahannadooda, si aan hadal-kooda loo dhegeysan looguna dayan, ka dibna ay halkaas ka soo baxdaa bulsho marti ka ah Diin, Dhaqan iyo aqoonta casriga ah intaba .. Ka dib, marka uu gurigii ka soo baxo jiil aan tarbiyadeysneyn, meesha ay ka baxdo kaalintii Macallinka, Culimada, Aqoon-yahannada iyo Hooyadu, yaa u maqan bulshadaas? ayuu Prof. Mahdi isku weydiinayaa dhammaadka maqaalka uu qoray.

Natiijadii falsafaddan oo la dhaqan-geliyay waxay noqotay mushkiladda iyo dib-u-dhaca maanta ay somalidu ka tahay koow, ka soo kabashadeedana waxaa sal u ah guriga, oo ay udub-dhexaad u sii tahay in uu ubadku helo hooyo ku faaneysa barbaarinta iyo tarbiyeynta ubadka.

Hooyada Barbara Bush, oo aheyd xaaska madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka Goerge H.W Bush, dhawaana geeriyootay, aheydna hooyadii dhashay madaxweynihii 43-aad ee maraykanka Goergr W. Bush, ayaa wareysi uu CNN-ku ka qaaday waxa uu wariyuhu ku weydiiyay "Barbara Bush, 4 sano ayaad aheyd Marwada koowaad ee Mareykanka, 4 kalena waxaad aheyd Marwada labaad, wiilkaaguna wuxuu ahaa madaxweynaha Mareykanka muddo 8 sano, balse adiga oo jaaniskaas badan helay marna si fiican ugama aad soo muuqan Aqalka-cad, markaa maxaa kuu diiday inaad magac sameyso oo aad caan noqoto sida Hillary Clinton iyo Michelle Obama"

Hooyo Barbara Bush waxay bixisay jawaab wariyihii aamusiisay. Waxay tiri "Mareykanka waxaan u  soo saaray Saddex hoggaamiye. Waxaan ahaa maskaxdii ka dambeysay George H. W. Bush, intii uu xilka hayeyna waxaan diyaarinayey kii beddeli lahaa, waana wiilkeyga George W. Bush, haddana waxaan soo wadaa Jeb Bush oo aan ku soo tijaabiyay duqa gobolka Florida. 

Iyada oo hadalkeeda sii wada waxay tiri, ''Markaa, hankeygu waa ka weynaa in aan Aqalka-cad ka soo muuqdo oo kaliya, Mareykankana waxaan u qabtay shaqo adag oo aanay jirin cid kale oo u qabatay, waxaana u soo saaray Maraykanka hoggaamiyayaal horumarka dalka gacan ka geystay.

Marka uu ubadkeennu helo hooyo dhista, oo ku cibaadeysata barbaarintiisa, goobaha waxbarashadana ay ka helaan macallin garaadkiisa kobciya, ka dibna uu helo culimo iyo aqoonyahanno uu ku daydo, ayaa waxaa soo baxaya jiil baraarugsan, isla markaana leh aqoon tayeysan, yaqaanna kuna dheggan diintooda iyo dhaqankooda., waxna markaa u tari kara naftooda iyo qoysaskooda, ka dibna dadkiisa iyo dalkiisa hooyo anfaca.