Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Burcad Badeedey Nasiibkaa .. Markabki US-Mason Ee Gurmadka U Sameeyey Markabki La Qafaashay Oo Sheegay Iney Somali Fuliyeen Weerarka

Tuesday - November 28, 2023




Washington – Shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka kadib markii ay markab ganacsi ku af-duubteen meel u dhow xeebaha Yemen ayaa jinsiyadoodu noqotay Soomaali, mana ahan Xuutiyiin, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.  

Weeraro dhowaanahan socday oo lala beegsanayey maraakiibta ganacsi ayaa waxaa fulinayey Xuutiyiinta, waxaana loo arkay inay qeyb ka yihiin rabshadaha ku sii kordhaya gobolka ee la xiriira dagaalka Israel iyo Xamas, Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyey ayaa Pentagon-ka uu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay fuliyeen koox hubeysan oo Soomaali ah.

"Waxaan ognahay inaysan aheyn Xuutiyiin" waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka Jeneral Pat Ryder, oo intaas ku daray "Inkasta oo burcad-badeednimada gobolka ay hoos u dhacday, haddana dhacdadan waxaa cad inay la xiriirtay burcad badeednimo.”

Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhiggeedu yahay magaalada Cadan ayaa ku eedaysay Xuutiyiinta inay weerareen markabka MV Central Park xilli uu marayey Gacanka Cadmeed Axaddii.

Markabkan oo sitay calanka Liberia, isla-markaana ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime, ayaa diray wicitaan caawimaad, waxaana ka jawaabay ciidamada Mareykanka ee markabka USS Mason.

Shanta nin ee weerarka soo qaaday ayaa isku dayay in ay ku baxsadaan doomo yaryar oo ay wateen, balse ciidamada Mareykanka ayaa ka daba tagay oo ku ridey rasaas digniin ah, "taasi oo keentay in ay is dhiibaan ugu dambeyntii,” sida uu sheegay Ryder. Waxaa hadda lagu hayaa markabka USS Mason dushiisa, ayuu yiri.

Si kastaba, in ka yar 90 daqiiqo kadib, laba gantaal oo ballistic ah oo laga soo riday Yementa ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa ku soo dhacay meel 10 mile badeed (18 kilomitir badeed) u jirta markabka USS Mason .. Markabka Mareykanka ayaan u jawaabin, isku mana dayin inuu ka hortago gantaallada sababtoo ah looma arkin khatar oo waxay ku dhaceen biyaha, ayuu yiri Ryder.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ka bixin warka sheegaya in dabley Soomaali ah ay ka dambeeyeen weerarka markabka ganacsi MV Central Park.