Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Jimca Kariim .. Dardaaranki Nabiga CSW U Siiyey Saxaabiga Abu-dar Al-Qafari .. Wuxuu Socon-doona Isago Keligiis Ah Wuxuu Dhiman Keligiis Waxaa La Soo Saari-doona Keligiis Qiyaamaha

Thursday - November 30, 2023





Saxaabiga Abu Dar Al-Qafari RC, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Jundub Binu Junaada ayaa yiri Rasuulka Allah C.S.W, oo ahaa Saaxiib aan jeclaa ayaa wuxuu igula dardaarmay Toddoba arimood oo kala ah:
1- Wuxuu i faray inaan jeclaado Masaakiinta iyo inaan ka mid noqdo.

2- Wuxuu i faray inaan Eego qofka iga Hooseeya, oo aanan Eegin qofka iga Sareeya.

3- Wuxuu i faray inaan qofna Wax weydiisan

4- Wuxuu i faray inaan Xiriiriyo Qaraabada

5- Wuxuu i faray inaan ku hadlo Xaqa, kharaarba ha noqdee.

6- Wuxuu i amray inaan Allah dartii uga baqan mid wax Canaananaya, Canaantiisa weliba kuwa Madaxda ah.

7- Wuxuu i faray inaan badiyo Qowlka: Laa Xowla Walaa Quwata Illaa Billaah.

Abu Dar RC, Masaakiinta ayuu aad u jeclaan jiray, iyaga ayuu ka mid ahaa. Weligii qofna ma weydiisan Hanti.

Amiirka gobolka Shaam ayaa mar u soo diray Lacag gaaraysa 300 Diinaar, wuxuuna ku yiri "Lacagtan danahaaga ku qabso". Jawaabtii Abuu Dar RC, waxey aheyd inuu Lacagtii ku Celiyay Amiirkii, isagoo yiri : Amiirka Shaam ma wuxuu ka waayay qof Aniga iga tabar daran?.

Waa hubaal inuu Abuu Dar fuliyay dhammaan dardaarankaas Wanaagsan ee uu siiyay kii ugu kheyrka badnaa Khalqiga ee Nabi Maxamad 

Abuu Dar Al-Qafaari R.C, wuxuu sannadkii 32aad ee hijriga ku dhintay tuullada Al-Rabada oo cidla aheyd, wuxuu ahaa keligii, sidii uu hore ugu yiri Rasuulka C.S.W, "Abuu Dar, wuxuu socon doonaa isagoo keligiis ah, wuxuu Dhiman doonaa keligiis, waxaana la soo saari doonaa keligiis Qiyaamaha,

Aan kuwada Salino xabiibkeena rasuulkeenii subanaa Mohammed SCW