Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Akhriso Oraahyo Nafteyda Iyo Naftaadaba Anfici-Doona .. Bar Naftaada Ineysan Qofna Xasdin Oo U Sheeg Wanaag-kasta Oo Ay Sameyso In Alle Weyn Agtiisa Ka Heleyso

Friday - December 1, 2023




BAR NAFTAADA .. Bar naftaada inaad ka joojisid macaansiga xumaha iyada oo doonaysa .. Bar inay salaada u kacdo iyadoo caajisan .. Bar inay soo jeedo iyadoo hurdo rabta ..  Bar naftaada inaad ka horjoogsato wax kasta oo iyadu ay rabto.

Bar naftaada inaad u laqinto xuska ILaahay SWT .. Ogow wax naftaada anfaca waxaa laga arkaa xuska Rabbi sidaa darteed ku tarbiyee naftaada xuska ILaahay labada Gelinba.

Bar naftaadu inay hadaladaada iyo ficiladaadaba ay hagaajiso .. Bar naftaada cilmi-kasta oo faa'iido u leh,naftaada waxa ugu badan ee aad ugu deeqdo ha noqdaan aqoon.

U sheeg naftaada wanaag kasta oo ay samayso inay Alle weyne agtiisa ka helayso, maadaama ay sidaa tahayna haka caajisin wanaag aad naftaada usamayso tallaabo kasta oo aad qaado Ajar ayaad ka samayn karaysaa sida: inaad qodax-yar jidka ka qaado, dadka aad hadal wanaagsan kula hadasho iwm.

Naftaada waxaad bartaa khalad kasta oo au gasho eediisa inay iyagu qaadayso, xaq oma lihid qaladaadkaaga inaad cid kale ku eedo ogsoonow naftaada adaa ka mas'uul ah.

Ogaysii naftaada daqiiqad kasta oo ay dayacdo in Alle weyne kala xisaabtami doono .. Bar naftaada dareemada la mahdiyay: Alle ka cabsiga goor kasta iyo goob kasta, naxariista, dhibrinta, jacaylka iyo dhaqan kasta oo wanaagsan.

Bar naftaada haddii wax weyn ay hurto inay wax weyn oo mug leh heli doonto, mar kastana ay heli doonto tamarta ay bixiso taag le'eg.

Bar naftaada inaysan qofna xaasidin u ogow mararka qaar in shakhsiyaadka kale kaa hormaraan dantaadana danta guud ka hormari, qofna haka xaqirin libin uu leeyahay.