Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Ku Guntada Wanaaga Gawraca Xumaanta .. Puntland Waxay Ku Socota In La Wda Jabo .. Wax kasta Oo Dhaca Waxaa Ka Masuul Ah Deni Iyo Mucaaradka .. UK Oo Soo Faragalisay qorshaha Deni

Saturday - December 2, 2023





Puntland waxaa hada ka taagan xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada oo ay isku hayaan madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah oo saluugsan qorshaha darandooriga ee taagnow dib u soco ee u wato Deni iyo kooxdiisa 

Mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa isku fahmi waayay qaabka loo wajayo doorashada, ayada oo uu sii dhammaanaayo muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee dowladda .. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan socda dadaallo ay qayb ka tahay beesha caalamka oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan Puntland.

Dhinaca kale, Dowladda Boqortooyada UK ayaa maanta billowday faragelinta xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan khilaafka doorashada .. Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis ayaa maanta bilaabay dadaallo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda ka taagan Puntland.

Safiirka Nithavrianakis ayaa la kulmay madaxda sare ee dowlad goboleedka ee Puntland, gaar ahaan Saciid Deni, ku xigeenkiisa iyo qaar kamid ah golaha wasiirada, isaga oo ka hadlay arrimaha ka taagan Garoowe, si xal loogu helo is faham waaga ka dhashay doorashada.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee maamulka Puntland iyo sidii loo dhammeystiri lahaa doorashooyin la isku afgarto dimuquraadiga ah ee maamulkaas.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen, sidii loo dardargelin mashaariicda kala duwan oo ay dowladda UK ka fuliso deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Deni ayaa sheegay inKulanka oo ay ka qeybgaleen  xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland  loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland.