Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Aduunyada Waa Safar Iyo Socdaal Joogta Ah .. Saaxiiba-yaalow Waxaa ii Soo Guda-galay Safar Jiho Leh Ee Safar Wanaagsan Safar Badbaado Leh "Boun Viaggo"

Sunday - December 3, 2023





Waxaan Bisinka Lahayeni Barako Ma Leh .. Dear Akris-tayaasha Galdogo Times Waan idin Salaamaya iyo Salaan Gobeed Sare Oo Qaaliya, waxaana rajeynaya inaad salaanta iga gudoontaan iina celin-doontaan .. Saaxiiba-yaalow sidi aan sameeyey dhawr jeer safaro in ka badan Labo iyo Sadex, waxaa iminka hilaac igu baxay Safar jiho leh oo ii soo guda-galay, waxaana rajeynaya in Safarkaani ii noqon-doono mid micno weyn ii leh oo xasuus reeba, isla markaana si nabad ah ku dagi-doono meesha aan u socdo, waxaan Alle ka baryayaa in ILaahay igu koobo kalgacal iyo daryeel inta aan Safarka ku jiro, mana jiro hab ka wanaagsan oo looga takhaluso Kalinimada nolosha oo aan ahayen inaad safar la gasho Wehel-kaaga oo ay kula soo cunto Hilib falfal ah oo kulul iyo Baris Uumigu ka duulaayo .. Sababtaas safarka awgeed, waxaana filaya in Websitka Galdogob Times u hawada ka maqnaan-doono muddo u dhaxeysa Laba illa Shan-maalmood Ee in yar akhristow noo samir .. igu soo duceeya Safar Wanaagsan, Safar Badbaado leh 

Hadaba inkasto aan ahay dhalinyaro cuslaatay oo dalkeygi Berri hore colaad uga soo hayaamay hadana illa hadda waxaaan isu haysta inaan weli ku jiro waqtiyadi Caruushka ahaa oo ma daama hadalkeyga usan weli xabeeb yeelan waxaan hananayaa Shabaabnino, iyado isla marka Timaha aan u xiirto qaabka casriga loo yaqaan stylka "Tik Tok" laakiin some times waxaan u xiirta  sida staylka "Ala Afro" .. Ogow adna war uma hayside Dhalinyarada cuslaatay Daawa Loo Helay Ee ruuxi dabiib raba talo weydiista Daaweye-dad Digtoor Aadan Ugaas Maxamed oo hadaad rabto Foodle iyo dhoocil-nimo lagugu celin .. La isku Dhaaf Aqoon Ee Xaruntiisa Waa Nairobi

Akhris-tayaashow aan ku soo dhawaade, Wabsite-kan Galdogob Times sida caadada ah inta badan qoraaladiisa wuxuu dadka ugu gudbiya wax dheef la nuuga leh, balse Ajar jano laga dhaxli-karo  .. Waa qoraalo aad ka faaiideysan kartaan sida "Taariikho islaamka" iyo sido kale qoraalada la magac baxay "Wax badan akhri wax badan ogow" ..  Qisooyin Diini ah, sida Akhbaarti Zamaanki hore iyo sheekooyin lagu cibrad qaato iyo wixii muhim u ah arimaha bulshada sida dhacdooyinka News qaarkood .. Marka ha moogaan inaad soo booqato oo aad ka daalacato wax-yaabahaa aqoonta ku kordhineysa .. dhinaca kale warbaahinta qaarkeed, waxay bulshadooda baden xanuun iyo isku dir aan halkaan lagu soo koobi-karin oo dadka waxay ku jiheeyaan aragtida sidi Berigii Geelasha Gooni-goni loo kala raacan jiray, mana oga xitaa hadalada qaarkood in Naar la isku dhibaateynaayo 

Teeda kale, Dawlad-nimada waa loo baahan-yahay waana daruuri, laakiin somalida ayaa af-garan weyday oo si xun ugu dhaqmeysa dabadeed isku Baabi'isay oo taladi dalka ayaa maanta la kala sheeganaya qaranimadi iyo horamarki dalka .. isla markaa raadinti awoodi dawladnimo ayaa loo maraya wada kasta oo xun
 
Saaxiba-yaalow, Haddii garashada quman iyo anshaxa suubban wax lagu wada eegi waayo, oo sidii la doono loo hadlo, waxaa meesha imanaysa is-diidadii Qoraagi Weynaa ee la oran jiray George Orwin ee yaabka badnayd oo u ku yiri: Dilku Waa Noolayn .. Guuldarradu Waa Guul .. Gaajadu Waa Dhereg ..  Silicu Waa Raaxo .. Dulmigu Waa Caddaalad .. Nacabkuna Waa Nasteex .. Waa Sidaa Buu Yiri iLaa La Helayo Si Kale Oo Wax Lagu Wada Qiimaysan Karo.

Gabagabo, Rabi Dhamaanteen Ha Naga Dhigo Dadka Maalinta Qiyaame Janada Lagu Casumo, kuwa ilaah ku Daro Kuwa Qu'raanka U Shafeeco Maalinta Qiyaamaha .. Aduunkana Culeys Walba oo idin Haysta Allaha Idin Ka Qaado .. Aamiin Aamiin

G/ Times .. Maxamed Calihashi " Ina Cadaawe" Oo Idin Leh Buon  Viaggio