Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Doqoni Dibir Kama Dharagto .. Musharaxiinti Uu Badneyd Oo Ka Horyimi Gudiga U Magacaabay Deni

Wednesday - December 13, 2023




Garwe .. Qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hor yimid guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ee madaxweyne Siciid Deni shalay magacaabay.

Musharaxiintan oo gaaraya ilaa 8-musharax oo miisaan culus ah ayaa ka hor yimid guddiga uu madaxweyne Deni magacaabay , waxa ayna caddeeyeen in guddigan madaxweyne Deni magacaabay uusan quseyn iyaga uuna yahay guddi uu iskiis u magacawday.

Siyaasiyiintan mucaaradka ah ayaa sheegay in madaxweyne Deni xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka uu magacaabay ku saleeyay qaraabannimo iyo sidoo kale xubno katirsan xisbigiisa Kaah sida ay tilmaameen.