Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Sheeko Aabahay Iga Sheekeeyey .. Xaq Iyo Badil Ayaa Is Qabsaday Oo Dad isula Tagay .. Yaase Loo Xukumay

Friday - December 15, 2023


Waxan maanta kaaga sheekeynayaa oo Aaabahay iiga sheekeeyey sheeko soo jireen ahayd , oo abidkeed soo jirtey .. Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxa wada lugeeyey XAQ iyo BAADIL safar dheer bay wada galeen , kabacdi way daaleen , laakiin sida lagu yaqaano XAQA waa xoog iyo awood badan yahay mana daalo mana wahsado kamana muuqdo daal.

BAADILKi oo lagu yaqaano jil-jileec amase daciifnimo sidaa awgeed wuu istaagey oo wuu daaley, wuxuna ku yiri saaxiibkiisii ay wada lugeynayeen: Saaxiib waan daalay , mana dhaqaaqi karaayo ee maad i xanbaari ? .. XAQII ayaad aad iyo aad u qayliyay ,Wuxuu yiri: Maxaad tiri bal ku celi?
Ma baadil ayaa doonaaya in uu xanbaaro XAQ ? ma wax caqliga galaa ? Waxay ahayed aniga XAQ ah inaad i xanbaarto ?

Labadi Muran iyo dood dheer baa dhex martey .. BAADIL ayaa yiri : saaxiib idhageyso Dimuqraadiyiin aynu noqono Oo dad dimiqraadiya aynu isula tagno oo inoo garnaqa  waayo Dimuqraadiyaddu iyada XAL  AH E, oo bulshada codkeedu hay na kala saarto , sidaa awgeed dad aynu isula tagno .

XAQII wuu ogolaadey arinkan waanuu u riyaaqay, waayo wuxuu ogyahay hubaana in dadku xaqa taageeraan isna garab taagaan 

Waxa bilaabantay ololihii beretenka doorashada XAQ iyo BAADIL .. XAQ -baa wuxuu yiri :Dadyahaw ama bulsho yahay:Waad i wada garanaysaan  ANIGU WAXAAN AHAY XAQII , laakiin kan ila tartamaaya waa BAADIL oo wuxuu wata dulmi iyo been labadayaduna waanu daalanahay , arinkuna waxa weeye in uu midkaayo ka kale xanbaaro ee Hadaba kee bay tahay in uu ka kale xanbaaro aniga mise isaga?

Waxa dhacdey doorasho XAQ ah oo XALAAL ah  .. Shacabkii ama bulshadii mar qura ayay wada qayliyeen, oo ku dhawaaqeen erey qura oo dhulka iyo buurahaba ka Gariiriyey XAQA  XAQQA ayaa la xanbaarayaa .
Min maalintaa ilaa iyo maanta XAQA  isagaa la xanbaarsan yahay .. hasa ahaate BAADIL oo dulmila ah iyo been wuxuu shubaba wuu lugeynayaa .

Hadaba XAQ iyo BAADIL waa la kala garanayaa , wayna kala cad yihiin sida maalinta iyo habeenku u kala cad yihiin , laakiin way isdaba socdaan AMA way WADA -LUGEYNAYAAN, balse adigaa lagaa rabaa inaad kala garato .. adigaa ka mas'uul ah inaad kala saarto .. adiga ayay tahay inaad kala garato .. 
adiga ayay tahay inaad kala reebto .. adiga ayey tahay inaad xuduud u kala yeesho .. adiga ayey tahay inaad kala taageerto .. adiga ayey tahay inaad xaqa taageerto .. xaqu adiga ayuu wax ku tarayaa ,
baadilka beenlooga ah adiga ayey wax ku yeeleysaa .

Marka aad maqasho hadalada macmacaan ee faxshaxanka beenta ah lagu soo qurxiyey , maaha in aad markiiba qaadato ,oo aad la cararto, oo aad taageerto ee waa inaad iska hubsataa , hadalkanu inuu XAQ yahay iyo inuu BAADIL yahay .

Waa inaad xaqa weligaa taageertaa kuna adkeysataa , isla markaana aad ogaataa BAADIL may harin ee aad iyo aad bay u dadaalaysaa iney XAQA jebiyaan kana adkaadaan .

Haw taageerin qofna xaqdaro, ama kan baa aniga ixiga .. ama kan baan aniga isku QOLO nahay .. ama kan baa inaadeerkay ah .. ama kan baa waalaalkey ah  .. xaq iyo baadil wax u dhaaxeya ma jiraan