Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Waa Sheeko Iga Qoslisay .. Obama Iyo Odagi Adeerki Ee Shaxaaday

Sunday - December 17, 2023




Booqashadii uu beri dhawayto madaxweynaha dalka Maraykanka ( Barak Huseen Obama ) ku tegey dalka Kenya,  ayaa waxa shaxaad ugu yimi oday ay Aabahii ay ilmaadeer ahaayeen oo waxa la yiraahdo Xasan Mubarak .. Waxaanu uga waramay in uu yahay nin (waayeel ah) oo sabool ah oo caruurtiisii iyo caruurtii ay sii dhaleen gaarayaan 102 qof , dhamaantoodna aanay waxba haysan , markaa waxa uu madaxweyne Obama ka codsanayaa in uu caawiyo oo wax siiyo .

Madaxweyne Obama waxa uu ku yiri ninkii : Marka aan iminka dalkii ku noqdo ayaan wax kuu soo dirayaa waxaanu waydiiyay ? halkee kuugu soo hagaajiyaa ? .. Ninkii (odaygii) inta uu hareerihiisa eegay , ayaa waxa uu isha ku dhuftay Madaxweynihii dalka Kenya oo agtaagan isaga .

Ka-dibna Odeygi waxa uu ugu jawaabay : Madaxweynaha Kenya iigu soo hagaaji oo magacaygana u sheeg  .. Odaygu waxa uu filayaa in aanay jirin cid ka aaminsan madaxweynaha dalka, ileyn waaba lagu aaminay xilkii dalka iyo dadka oo dhan .

Madaxweyne Obama markii uu dalkiisii ku noqday , ayaa waxa uu odaygii u soo diray (hal milyan oo dollar ) ($1.000.000), hasa ahaate Lacagtii markii ay soo gaartay madaxweynihii dalka Kenya ayaa waxa uu u yeeray wasiirkiisii madaxtooyada oo uu ku ku yiri : lacagtan (nus milyanka ah)($500.000) ah ee dollar. waxaad gaarsiisaa muwaadinka saboolka ah ee la yiraahdo: Xasan Mobarak ,

Wasiirkii madaxxtooyadda waxa uu u yeeray wasiirkii Maaliyadda oo uu ku yiri : lacagtan ($250.000) ee Dollar waxa aad gaarsiisaa muwaadinka saboolka ah ee ay la yidhaahdo: Xasan Mobarak .

Wasiirkii Maaliyaddana waxa uu u yeeray Maayar-kii Magaalada oo uu ku yiri : lacagtan: ( $50.000) ah ee Dollar waxa aad gaarsiisaa ninka saboolka ah ee la yiraahdo: Xasan Mobarak ee magaaladan degen .

Maayar-kiina waxa uu u yeeray xildhibaankii deggaanka ee ka soo jeeday beesha uu ka soo jeedo ninkan saboolka ahi , waxaanu ku yiri: lacagtan ($10.000 ah ) ee dollarka ah waxaad gaarsiisaa ninka la yiraahdo: Xasan Mobarak ee aad isku beesha tihiin .

Xildhibaankiina waxa uu u yeeray suldaankii beesha uu ka soo jeedo Xasan Mobarak , waxaanu ku yiri : lacagtan ( $3000 ) ee dollar ah waxaad u geysaa ninka la yiraahdo Xasan Mobarak waad garanaysaaye .
Suldaankiina waxa uu u yeeray Caaqilkii reerka oo waxa uu ku yiri: waxaad ku tidhaahdaa odayga la yidhaahdo Xasan Mobarak : inankii aad adeerka u ahayd waxa uu kuu soo diray ($1000 ) Dollar oo qura .. Caaqilkiina waxa uu u yeeray odaygii oo wuxuu ku yiri : inankii aad adeerka u ahayd ee Obama waxa uu kugu yiri , iminka waxba gacanta kuma hayo, laakiin arinkaagii waan xasuusnaanayaa , ilaahayna waan kuu baryayaa inuu ku caawiyo .

Ninkii (odaygii ) halkii milyan ($1.000.000) ee uu u soo diray inankii uu adeerka u ahaa ee mucaawanada ahaa , sidaas ayaanay waxba uga soo gaarin , oo ay jidka u fariisteen kuwii uu moodaayay in ay ummadda ugu aaminsan yihiin ee uu u wakiishay .

Hadaba shacabka iyo ummadda wixii dunidu ku caawiso ee ay tiraahdo dadka saboolka ah wax haloogu qabto ama ha la siiyo bal marka ay jidka u fariistaan kuwii loogu soo dhiibay, maxaad filanaysaa ee rajo ah ee dadkaa iyo dalkaasu yeelan doonaa ?

Waa musiibo weyn sida musuq-maasuqu mas’uuliyiinta qaranku dhaqanka uga dhigteen, dhaca hantida ummadda Mucaawanooyinka iyo taageerada beesha caalamku ina siisona .. sidan oo kale ayaanay shicibka iyo dalka toona waxba uga soo gaarin .