Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Aduunyaan Lagu Waarin Waa Ayaanba Ayaan .. Maalqabeen Faransiisa Oo Dhaxalkiisi ku Wareejiiyey Nin Afrikaan Ah

Monday - December 18, 2023




Maalqabeenka Nicolas Puech oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa qaatay go’aan naadir ah kaas oo wargaysada caalamka si weyn u hadal hayaan .. Ninkan bilyaneerka ah ayaa ku leh saami fiican shirkada Hermès ee soo saarta agabyada qurxinta guryaha ee raaxada ah iyo alaabaha hargaha taas oo muddo dheer caan ka ah aduunka kuna caanka boorsooyinka Birkin

Arinta cajiibka ah ayaa ah in Nicolas Puech oo hadda 80 sano jir ah uu go’aansaday in uu qayb ka mid ah hantidiisa dhaxal ahaan u siiyo ninka ka shaqayn jiray beertiisa sida laga soo xigtay daabacaadda Swiss Tribune de Genève.

Niclas Puech ayaa noqonaya dhaxlaha jiilka shanaad ee shirkada Hermès oo uu aasaasay Thierry Hermès sanadkii 1837-dii taas oo ah shirkadaha caanka ah ee soo saara waxyaabaha gaarka ah .. ninkan ayaa hantidiisa lagu qiyaasaa 11 bilyan oo doollar.

Warbixinada ayaa sheegaya shirkadan Hermès oo saamigeedu dhan yahay 183 bilyan oo doollar uu isagu leeyahay inta u dhaxaysay shan ilaa lix boqolkiiba.

Puech ayaan dhalin wax caruur ah, horena aan u guursan, basle hadda waxaa la sheegay inuu hanitidisa siinayo shaqaalihiisii hore ee ka shaqaynayey beertiisa kaas oo an si rasmi ah loo sheegin magaciisa balse waxa la sheegay in uu asal ahaan ka soo jeedo Morocco oo uu leeyahay xaas iyo laba caurur ah.
Ninkan shaqaalihiisa ahaa ayaa laga yaabaa inuu dhaxlo $5.9 Bilyan oo ah hantida Puech ah uu ku leeyahay dalalka Switzerland iyo Morocco.

Niikolas Puech ayaa diiwaan galiyey in ninka ka shaqaynayey beertiisa uu maray nidaamka waalid u noqoshada, laakiin hanaanka sharciyada korsashada ee Switzerland ayaa diidaya korsashada dadka waaweyn.

Nidaamka ayaa qaba in qofka ama kooxda wax korsanaysa ay xiriir wadaag la yihiin korsadaha ugu yaraan qaybaha hore ee caruurnimadiisa iyadoo la raacayo xeer kale oo qeexaya qofka qaangaarka ah ee korsanaya waa inuu ugu yaraan hal sano kula noolaaday waalidkii korsaday isagoo yar

Dhanka kale, korsashada dadka qaangaarka ah maaha wax caadi ah oo ka dhaca Switzerland, halkaas oo Puech u deggan yahay sababo canshuuraha la xiriira.

Si kastaba ha ahaateen bilyaneerka Puech ayaa lagu eedeyey inuu hore u bilaabay hababka korsashada ee ninkan ka shaqaynayey beertiisa ee aan la magacabin si uu u siiyo dhaxalkiisa. Waxaa laga yaabaa inay jiraan dagaalo sharci ah oo ku hareeraysan qoondaynta hantida Puech.

Puech si toos ah uguma lug lahayn hawlaha shirkadda Hermès wuxuuna ka tagay guddiga kormeerka sanadkii 2014-tii.

Sida laga soo xigtay shabakadda hay’addan, waxay maalgelisaa oo taageertaa saxafiyiinta danta guud iyo ururada warbaahinta iyo kuwa ah saxafiyiinta wax baara.

Sidan oo kale waxaa sameeyey naqshadeeyihii maalqabeenka ahaa ee u dhashay Britain Alexander McQueen oo bixiyey hantidiisa qaar ka mid ahayd intii aanu geeriyoon ka hor sanadkii 2010-kii.

Sanadkii 1988-dii waxaa sida ninkan Marookanka oo kale dhaxashay mulkiilaheedii dhintay bisad la oran jiray Blackie taas oo heshay lacag lagu qiyaasay 7 milyan oo dollarka Canada ah.

Milyaneerkan Ben Rea, ayaan wax lacag ah ugama tagin qoyskiisa basle bisadda dhaxashay ayaa noqotay mida ugu qanisan dunida