Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Maalin Iyo Leeyl .. Tanade/ Lelkase Nal Baa U Daarmay .. Gudigi Xal U Heelida U Tagay Garoowe Oo Dhiibay Xogo Dahab Ah Iyo Xaqiiqo Sugan .. Gudomiye Ayaxle Jirac Oo La Siiyey Kalsooni Iyo Awood Dheeri

Wednesday - December 20, 2023





Saaka Waxa Jooga .. Waa Maalin Talaado oo bishu tahay 19 Decembar 2023, waxaa magaalada Nirobi lagu madalay shir ay ka soo qayb-galeen Horyaalo gacal wadaaga Beesha Tanade/Lelkase ee ku sugan Nairobi .. Rag Rug-cadaad ah iyo dhalinyaro darban ayaa goobta shirka dood talantaali ah iyo gar culus soo dhigay oo shirarki hore halkaan ka dhici jiray baro dhaafsiiiyey .. Guud ahaan waxaa shirka ku soo arooray wax yaabo badan oo tusaale xikmad ah iyo waliba waxaa shirkaas si guud warbixino iyo xogo dhaba uga war-bixiyey guddigi dhawaanta u safaray Garoowe  kana qayb qaatay xal uu helida shaqaaqadi halkaas ka taagneeyd, waxayna gudigaas noo sheegeen in ay qayb la taaban-karo ka qaateen is afgaradka dhacay, isla markaana la soo gabagabeeyey Tolaayeey iyo Af-duubida Bulshada Puntland lala damacsanaa .. Guddiga sida ay cadeeyeen Madaxweyne Deni iyo Mucaaradkka Qoloba Qumana-hooda ayaa qoorta ugu jiray laakiin guddi ahaan anagu waxaan markasta ahayen dhex-dhexaad ayey yiraahdeen

Dhinaca kale waxaa madasha shirka lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Degmada Galdogob Mudane Ayaxle Xasan Faarax oo isagu goobta warbixin sawir guud ka bixiyey ayaa u Sir waramay golihi Madasha oo halkaas xaqiiqada jirta wax badan ka iftiimiyey, gaar ahaan inksto u sheegay in degaanka waxyaabo badan laga qabtay, haddana wuxuuu daboolka ka qaaday xanibaad badan oo hortaagan horumarka degaanka, waxuuna Carrabka ku dhuftay in dadka intoodda badan aysan u bisleyn waxa la yiraahdo nidaamka iyo sharciga dawladnimo, balse in badan oo denbiyo ku falaada ayaa laga eed baxeyn oo la iimaanaayo habar wacasho iyo wax la mida .. Ayaxle ayaa yiri Galdogob waa hodan, hasa ahaate Umadiisa hiil yari awgeed xagga Canshuur-bixinta dhaqaalaha wey ku liitaan, taaso hakisay wax badan oo degmada laga qaban lahaa
 
Dadki shirka isugu yimi ee lahaa wax-garadd, shiikh iyo aqoon-yahan waxay isku wada raacday aqoon ay u leeyihiin awgeed in Gudoomiye Ayaxle u yahay nin ikhyaar ah oo aan ku dur-durin xaaraanta la cunaayo, isla markaana waxa loo markhaati furay inu yhay nin aamina oo aan laaluush hab u xalaaleysta wixii loo dhiibto xafida sidaa daraadeedna waxaa la is faray in gudoomiyaha lala shaqeyo, lana siiiyo awood dheerad ah oo u ku saxo wixii majaro qaldamay, isla markaana si aan muran iyo hakad u dhicin in loo madax baneeyo wixi la xariira awaamirta, qandaraasyada , Maalgalinta deggaan iyo xaafadeed .. Si horumar loo gaaro Ha la joojiyo khilaafka iyo wax-yaabaha Biyaha hoostooda laga wado, haddi kale Galdogob waxay noqon Xero Dameeraadd oo ay saalo ka buuuxdo