Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Qiimaha Runta Ay Leedahay Iyo Dhibaatada Beenta .. Run Iyo Ben Iyo Dadka Maanta Jooga

Thursday - December 21, 2023



Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Been la kulantay Run Oo Beer fadhida , waxay ku tidhi : waa maalin aad u fiican .. Runtii iyada oo ka shakisan hadalka Beeni sheegayso, ayay si fiican hareeraha iyo cirka u eegtay, waxay aragtay in Beeni run sheegayso.

Been baad ku tiri Run : Aan ku yara raaco , oo kula lugeeyo  .. Run way ogolaatay.

Markii danbe ayay Berked ku soo baxeen ,  markaas baa beenti Tiri: Waa Biyo aad u fiican oo lagu dabaalan karaayo Ee ma ku dabaalanaa? .. Runti iyado oo ka shakisan inta ay Biyihii fiirisay waxay  aragtay in ay Runtii tahay Been oo uu Run sheegaayo .. Run haa bay tiri.

Runti Iyo Beenti Dharkii inta ay iska bixiyeen ayay Berkedii ku dabaasheen, laakiin Beentii inta ay si deg-deg ah Berkedii uga baxday ayay gashatay dharkii Run lahaa.

Run markay aragtay in dharki lagala cararay ayay eryetay iyada oo careysan oo damacday in ay dharkeedii kala soo harto .. Dadkii markii ay arkeen Runtii oo qaawan way ka wada jeesteen.

Runtii inta ay xishootay ayay Berkedii iskaga noqotay .. Beentii ilaa iyo maanta waa taas xiran dharkii Runta , ee meel kasta taagan ee munaafiqiin u nacamlaynaaya ay hareeraha ka taagan yihiin .

Runtiina Berkedii ayay iskaga noqotay markii dharkeedii lagala cararay oo cid kale xiratay ,oo aanay kala garanayn dadkii Runtii iyo Beentii. Cid xaqiiqo u hiilinaysaana aanay iminka jirin Oo dadkii laga waayay qof qura oo dhar u geeya Runtii ama ku qabta.

Markaa Runtii waxay go'aansatay, inta dadkanu u baahanayaan Runtii In ay meesheeda iskaga jirto.
Inta Been lagu wada nool yahay , oo raali laga yahay .. Munaafaqad awgeed Dadka maanta dunida ku nool waxa loogu neceb yahay qofka Runta sheega  .. Kaas ayaa ugu nasiib daran maanta dunida.