Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ina Shiikh Oo Galka Seefta Kala Baxay .. Ma Gabade Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Si Rasmi Ah Maanta U Saxiixay Heshiiski Diifaaca .. Abiy Axmed Haddu Gabi Ka Duulay Guuldaradi U Weyneyd

Friday - Feb 23, 2024




Muqdisho  – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa Arbacadii ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, ayada oo isla maalintaasi uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu deg deg ugu meel-mariyay kulan uu ka qeyb-galay madaxweyne Xasan Sheekh .

“Waxaan saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayuu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

“Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya.”

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayuu madaxweynaha sheegay in uu Soomaaliya gaarsiin doono inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.