Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Anba Waan Yaabay Farmajo Iyo Shiikh Sharif Ayaa Deero Dili-doona .. BF Oo Maalinta Sabtida Meel Marin-doona Anshaxinta Wax Ka Badalka Dastuurka .. Shimbirayaw Heesa Heesa Hees Wanaagsan Qaada

Thursday - March 28, 2024




Muqdisho - Maanta Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga doodayo dhammeystirka doodka wax ka beddelka dastuurka .. Dhammaan xildhibaannada kulan xaadiray ayaa loo qaybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee soo jeedina wax ka beddelka dastuurka oo haatan maraya marxladdii u dambeysay .. waxaana warbixin dhammeystiran laga dhageysanaya guddiga dastuurka ee labada Aqal” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale Shiikh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada ugu baaqay inay si wanaagsan u dhageystaan warbixinta, si ay kadib go’aan uga gaaraan ansixintiisa .. Sida muuqata Farmaajo iyo Shiikh Sharif wey ku fashalmeen ujeed-koodi ahaa iney magaca iyo dhibcaha u helaayo Xasan Shiikh kala dagaalamaan

Sabtida soo socota ayaa la filayaa in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo wax ka beddelka, sida uu shaaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo qoraal soo saaray .. Xildhibaanka ayaa sheegay in markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ay Sabtida dhici karto in xildhibaan uu u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin.