Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Duco Aan Guureyn Hooya Leh .. Wiil Hooyadiis Ballantu Ka Qaaday Oofiyey .. Tuugti Ka Toobad Keentay Boobki Iyo Dhaci Dadka

Friday - March 29, 2024



Wiil 12 jir ah ayaa Hooyadiisa u dirtay inuu Cilmi Diini ka soo barto Magaalo aad uga fog Magaaladoodii, Maamadii waxay wiilkeeda siisay Sahay lacag ah oo uu ku maro Wadada intuu ka tagaayo meeshii loo diray.

Intuu Wadada socday ayaa heshay Tuugo dadka dhaca, waxay ku yiraahdeen istaag wiilyahoow, waxaad heeysidna Dhig .. Wuxuu soo bixiyay Lacagtii, wuuna siiyay, markuuu sii Dhaqaaqayana wey istaajiyeen iyagoo la yaaban Sababta uu u qarin waayay Lacagta oo u dhihi waayay Wax ma heysto.

Kolkaas ayey ku yiraahdeen Kaalay wiilyahow Maxaad inooga qarin weysay Lacagtaan ileen ma jiro Qof wax heysta oo yiraahda wax baan heystaa ee qaata .. Wuxuu yiri wiilkii Hooyadeey ayaan balan ka qaaday inaan Dadka iga waaweyn Been u sheegin, waayo Alle baa i arkaaya oo Beentaas igu Cadaabi kara.

Ninkii Tuugada Maamulaayay ayaa aad ula yaabay Haddalka 12-jirkaan intey Lacagtiisa u celiyeen ayey Fasaxeen, iyagana waxay is yiraahdeen Wiilkaan yar Hooyadiisa Balanta uu ka qaaday waad Aragtaan inuu fuliyay, bal anagana Balantii Alle aan ka qaadnay maxaan u fulin weynay ?.

Meeshii ayay ku dhaafeen dhacii dadka ay ku hayeen, oo 12-jirkaas ayaa sabab u noqday inay joojiyaan Boobkii iyo dhacii ay Dadka u geysan jireen.