Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Odey Juxa Iyo Ninki Dameerka Weydiistay .. Midkee Ayaad Rumeysan

Wednesday - April 17, 2024




Maalin ayaa nin u yimid Juxa kana dalbaday in uu Dameerkiisa si ku-meel gaara ugu dhiibo .. Juxa oo aan doonayn in uu ninkaas u dhiibo Dameerkiisa ayaa u sheegay in Uusan Dameer haysan oo uu mar hore iska iibiyey.

Ninkii oo ku hungoobay kana sii baxaya guriga Juxa, ayaa maqlay Ci' Dameer oo ka yeeraysa guriga Juxa gudihiisa .. Ninki Asaga oo xanaaqsan ayuu inta dib u soo eegay Juxa, ayuu ku yiri:"Juxa! Been ayaad ii sheegtay."

Juxa oo ereyga lagu yiri ka xanaaqsan waxa uu ku jawaabay: " Waryaa Hadal-kayga iyo Ci'da Dameerka, midkee ayaad rumaysan?"