Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 May 2024

Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Farasku Goormu Noqda Dameer Oo Kale .. Teeda Kale Bani'-aadamku Xaalade Ayuu Maratabada Xoolo Ku Noqdaa Ama Kaga Hooseeya

Thursday - May 2, 2024




Shiikhi Caalimka Weynaa Abuu Xaamid Al-Gazali Ilaahay Janada Ha Ka Waraabiye .. isaga oo ka waramaaya dhaqanka hoose iyo dhaqanka sare, waxuu noo sheegay oo yiri: waxaa laga yaaba in dadka qaarkii is-weydiiyaan "Haddii ILaahay banii-aadamka ku abuuray dareenka iyo dhaqanka xoolaha oo kale, iyo dareenka iyo dhaqanka Shaydaanka oo kale iyo dareenka iyo dhaqanka Malaa’iigta oo kale, sidee loo garan-karaa dhaqankiisa dhabta ah iyo ka aan ahayn?"

Sheekhu wuxuu ku jawaabay "Dhaqanka dhabta ah ee abuuraha mid waliba leeyahay waa dhaqanka sare ee u gaarka ah .. Tusaale ahaan Dameerka iyo Farasku waa Laba xayawaan oo gaadiid ah oo banii-aadamku fuulo, oo xaga dhaqankaana waa ka siman-yihiin, Hasa yeeshe waxa dhaqanka dhabta ah ee Farasku muuqdaa oo Dameerka ka sareeya, marka dagaal loo heensaysto .. Haddii farasku dagaal geli-waayo, dameer ayuu noqodaa. Sidoo kale banii- aadamku wuxu kaga sareeyaa xoolaha waa garaadka iyo ruuxa, Haddii uu garaadkiisa iyo ruuxiisa si wanaagsan u adeegsan waayo, xoolo ayuu noqdaa ama waaba ka hooseeyaa!!!”