Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Saaxiib Hadaad Qososho Aduunyadu Way Qosleysa Hadaad Oydana Aduunyada Way Qosleysa .. Waligaa Ku Farxsanow Qaybta Alle Iyo Qadartiisa

Sunday - August 28, 2016



Saaxiib, Hadaad qososho aduunyadu way qoslaysa hadaad oydana aduunyadu way qoslaysa oo Xaaladkastoo aad ku jirto farxad iyo murugaba noloshu way soconaysa

Shinbiraha duula cirka iyo dhulka dhexdooda iyo baalashooda siday u ruxayaan iyo hamiga farxadu ku laran ee ay huwanyihiin .. Qalbiyadoodi waxay u dhalaalayaan sida luul, wajiyadooduna waxay u nuurayaan sida Cadceeda, indhahoodana waxaad ka dhex arkaysa dayaxa oo afar iyo tobnaada.

Saxiib maanad arag subaxii waxay kalahayaan iyagoo aan si fiican u garanayn meesha risiqoodu yaalo, waxayna ka yaqiin fiicanyiin ka jeebka ku haysta waxa u cuni lahaa. Waxay ku heesaan subaxii waxaanu kalahnaa anagoo gaajoonayna habaynkiina waxaanu soo hoyana anagoo aad u dharagsan caruurtayadiina u sidna quud ku filan. Marka ay afka ugu gurayaan shinbiraha hooyada ah ubadkooda yaryar una burburinayaan cuntooyinka ad-adag waad tacajibaysaa.
 
Saxiib casharkaasi wuxuu noloshayda baray inaan qaato sida shinbirahaa hawo ku filan sanbabadayda iyo jirkayga oo dhan oo hadaanan sidoo kale u duuli Karin aan uu ordo si farxadi ku dheehantay anoon ka fikirayn waxa igaga iman doona goobta aan ku ordayo.

Saxiib maanad arag quraanjada inay shaqayso 20 saacadood iyadoo faraxsan aan arkayna daalka ka soo gaarey shaqadii balse arkaysa natiijada waxqabad ee ay gaartay. Sabirka waxa laga bartaa quraanjada waxaan la yaabay quraanjo sida walax iyada ka wayn oo ay boqol jeer ka dhacayso hadana aan dhibsanayn ee markasta isku dayaysa si ay u gaarto yoolkeeda(farxada gudaha).

Saxiib Diin-diinka maanad arag sida uu ALLE SWT u aaminsanyahay waxa lagu yiri Diinow shinbiraha Haada ayaa ku shiray inay ku cunaan waayo jirkaagu wuu jilicsanyay. Wuxuu yiri: meesha la igu shirayay soo muu Alle SWT joogin, haa ayaa la yiri wuxuu yiri iska taga hadaba Alle SWT i dayaci-maaye isla markiiba waxa lagu arsaaqay yaqiintiisi fiicnayd waxa la huwiyey qolof anay soo dhaafi Karin afafka dhuudhuuban ee haadu.

Saxiib manad arag Aboorka iyo inta uu leegyay iyo dhismaha dudumada ee uu dhiso ee sida hoyga u bahan biyo iyo nashqadaynba .. Manaad arag saxiib geesinimada libaaxa. sidoo kale saxiib maanad arag dadaalka Shinida iyo natiijada ka dhalata.

Geela, Ariga, lo'da waynu cuna, caanaynu ka cabnaa subag-baynu ka dheefnaa waynu raranaa qaybo ka mida hadana inagama caroodaan ee way ku faraxsanyiin waayo waxay ogaadeen farxadu inay tahay inaad qadarkaaga garato iyo inaad waxa laguu abuuray garato.


Ma sii wadi karo inta ayadood ee Alle SWT kownkan inoo dhigay maalin kasta cadceed ayaynu intifaacsana si aynu howlehena u kala fushano una intifaacsano cadceeda siyaabo kala duwan. Habayn ayaa inoo soo gala si aynu u nasano oo u seexano waxa jira dhul aynu ku dul socono ku dul seexano ku dul fariisano waxa jira cir waxa jira ogsajiin aynu qaadano waxa jira biyo aynu cabno waxa jira dhir aynu quudano ma tirin-karno balse isha dhabtaa ee wax lagu arko ayaa ina bakhtiisan waa cajiib waa cajiib. Subxaanallah

Gunaanadkii saxiib cidii doonta ha murugooto balse anigu ma ihi ka murugoonaya waayo dhib iyo dheefba waa ii faa’ido waayo ka cid igu jecel ayaa ii qoonddeyay qadarka i asiibaya. Waanan wadaya hanka iyo himilada fiican mana joojinayo ilaa inta aan Alle SWT kala kulmayo waxkastoo iga hor imaada ee saxiib adna siday kula tahay.