Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Orodyahano Somaali Ah Oo Wadamada Sweden Iyo Ingiriiska Uga Qayb Galaya Olympiga 2008 Ee China Bekin

Monday - August 4, 2008

Mustafa Hassan Mohamed waa orodyahan u safta wadanka Sweden. Mohamed Farah "Mo" isna wuxuu u saftaa wadanka Ingriiska, waxay labaduba ku aflaxeen in aay wadamadaa matalaan olympic 2008 Beyjing China ee inagu soo fool leh maalmo kadib.

Labadan orodyahan waa wiilal u dhashay somalia asal ahaan, balse hada haysta dhalasho wadamo shisheeye. Sida aay hada u badan yihiin dadka somalida qurbaha ku nool. Waa wiilal dhalinyaro ah, yaraantoodiina ku soo barbaaray somalia. Waxay runtii fursad u heleen in aay hiwaayadooda kaga dhabeeyaan.