Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Wasiiradda Dawladaha Ku Bahoobay IGAD Oo Beri Ku Shiraya Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya

Wednesday - October 1, 2008

Nairobi : Wasiirada arimaha dibada ee dalalka ku bahoobay IGAD ayaa maalinta beri ah shir ku yeelan doono magaalada Nairobi, ayagoo wada xaajoodyo ka yeelan doona Xaalada qalafsan ee ka taagan Soomaaliya.

Wasiirada arimaha dibada ee dalalka Ugandha, Suudaan & Itoobiya ayaa xalay ku hoyday Magaalada Nairobi, waxayna la kulmeen wasiirka arimaha dibada ee Kenya oo ay kala hadleen xaaladaha Soomaaliya.

Shirkan ay beri yeelan doonaan Wasiiradan ayaa ujeedadiisa lugu sheegay sidii ay u diyaarin lahaayeen waxyaabaha lugu soo qaadayo Shir aan caadi aheyn oo ay dhawaan yeelan doonaan IGAD & dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.