Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 26 April 2024

Dawladaha IGAD Iyo Mareykanka Oo Cadaadis Siyaasadeed Dul-dhigay Cabdulaahi Yuusuf

Saturday - October 11, 2008

Nairobi: Waxaa aad isu soo taraaya wararka sheegaya in culaysyada siyaasadeed ee la dul-dhigay Col. Cabdillahi Yuusuf ay soo kordhayaan, culaysyadaas waxa ka mid ah baaqyada beesha caalamka ka soo baxaaya kuwaas oo kula taliyey dalalka IGAD in ay kulan isugu yeeraan dhamaanba dawlada KMg iyo Golaha Baarlamaanka.

Shirka la sheegay in lagu qabanaayo Nairobi bishan Aakhirkeed ayaa lagu bilaabayaa dood ku saabsan waxqabadkii dawlad KMG 4-tii sano ee ay dhisnayd, Gunaanadka shirka ayaa la-saadaalinayaa in uu noqdo Xil-wareejin lagu sameeyo madaxweyne Cabdillahi Yuusuf ama in waqtigi kale loogu kordhiyo xilka isaga iyo dhamaanba xubnaha baarlamaanka .

Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ayaa sheegaaya in IGAD ay ka niyad-jabtay Maamulka Somalida Madaxdiisa, iyaga waliba intaa raaciyey in mas'uliyiinta Dawlada KMG ku guuldareysteen hawlihii loo igmadey.

Wadamada Uganda, Ethiopia iyo Brundi ayaa la filayaa in ay baaq guud u jeediyaann Madaxda iyo Xildhibaanada ee Baydhaba laga soo daad-gureyndoono

Warar kala gadisan oo laga soo tebeyey rag ku dhaw-dhaw madaxtooyada ay carabka ku dhufteen in madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf u ka goos-haysto qaabka agaasinka shirkaas u dhicidoono oo ku tilmaamay mid u baahan in si wada jira loo gorfeeyo, waxayse intaa raaciyeen in ay socoto wadatashiyo ku saleysan jawaabta laga bixinkaro ka hor 27 octobar ee sanadkaan, waxay xuseen in ay beesha Caalamka riixeeyso isbedelo lagu balaarinaayo baarlamaanka si ay uga mid noqdaan kooxaha Mucaaradka ah.