Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta " Sababaha U ILaahay Ku Halago Bulshada"

Thursday - October 16, 2008

Waxaa iska leh mahad dhamaanteed ilaahay(sw) intaa ka bacdi Marka u horaysa waxaan dadka u dardaarmaynaa cabsida Alle, sida allaah uu Quraanka kariimka ah noogu sheegay {dadyahaw muÕminiinta ahi haddad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu iddin yeelayaa faraj (nabad gelyo) wuxuuna asturi dambigiina. (anfaal 29)}.

Sida aan wada ogsoonahay waxaa jira arrimo badan oo haddii ay ummaddu samayso sabab u noqonaysa in ilaahay uu ku soo dajiyo ciqaab ama in la dabar gooyo ummaddaas dhamaantood.

Wuxuu ilaahay subxaanahu watacaalaa ku yiri quraanka: (waxaan rusul u dirnay umadihii kaa horeeyey, waxaan ku qabanay dhib aad u badan bal in ay ilaahay u soo noqdaan, haddii goortii uu u yimi ciqaabku ay ilaahay u noqon lahaayeen laakin waxaa qalalay quluubtoodii oo shaydaan ayaa u qurxiyey wixii ay samaynayeen). waxay ayadahan noo cadeeyeen in haddii umada ay la timaado wax ilaahay necebyahay in loo soo dirayo ciqaab aan gaar ku ahayn dadkii sameeyey oo kaliya balse ay bulshada oo dhan gaarayso. Wuxuu nabigu (scw) xadiis ku leeyahay (((Qolo dhexdeeda hadii lagu sameeyo macaasi oo ayan joojin macaasida iyagoo awooda, ilahay wuxuu u soo diraa ciqaab wada gaarta dhamaantood)))