Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Kulamada Xubnaha Baarlamaanka KMG Ee Ka dhacaya Nairobi Iyo Waswaas Galay M/weyne C/laahi Yuusuf

Tuesday - October 21, 2008

Nairobi :Wararka ka imaanay dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa tibaaxaya in halkaas ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukumada Ras’isulwasaare Nuur Cadde,

Waxaana la sheegayaa kulamadaani in ay yihiin kuwo lagu lafo gurayo xaalada maanta dalka ka taagan oo ay ku doonayaan iney xasilinta dalka ay meel uga soo wada jeestaan isagana soo  dhawaadaan farqyadi horay ay ku kala gadisnaayeen, waxaana warku uu intaasi ku darayaa in qodobada ugu weyn ee ay ka arinsanayaan ay yihiin sida ay isugu waafaqi lahaayeen natiijada ka soo baxdo shirka ay isugu yeertay IGAD xubnaha Dowlada ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.