Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 27 April 2024

Boqortooyada Sacuudiga Oo Ummadda Soomaali Ugu Hambalyeysay Kacaankii 21dii Oktoobar 1969kii

Wednesday - October 22, 2008

Riyad- Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sucuudiga ayaa shaacisay in dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Amiir Suldan Binu Cabdal Casiis Aala Sacuud oo isla markaana ah Raysal wasaaraha Boqortooyada Sucuudiga, Wasiirka difaaca iyo gaadiidka cirka uu hambalyo u diray madaxweynaha dawladda Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Hambalyadan ayey wasaaraddu ku sheegtay in ay ku beegan tahay munaasabadda xuska maalinta wadaniga ah ee 21-ka October. Waraaqdan amiirku ku hambaleyeeyey Somaliya waxa uu ku sheegay in madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Somalia iyo shacabka ay walaalaha yihiin ee Soomaaliyeed uu dalka Sucuudigu u dirayo hambalyo sare una rajaynayo madaxweyaha Soomaaliyeed caafimaad iyo badhaadhe, shacabkiisana horumar iyo barwaaqo.